Golaha ammaanka oo kordhiyay waqtiga howlgalka QM ee Soomaaliya

/images/2017/jun/ 
Khamiis, June, 15, 2017 (HOL)- Golaha Ammaanka ee QM ayaa go’aansaday in la kordhiyo waqtiga shaqada Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, lana gaarsiiyo ilaa March 2018.

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedaha muddo kordhinta howlgalka UNSOM, waxaana y sheegeen in howlgalka uu taageero geedi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, dhiirigelinta iyo sara u qaadida is-dhexgalka wadashaqeyneed ee ka dhexeeysa howlgalka iyo bulshada rayidka ee heer Qaran iyo heer gobolleed intaba.

Golaha ammaanka ee QM, ayaa soo dhoweeyay ka go’naashaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada geedi socodka nidaamka Qaran, oo ay kamid yihiin in si deg-deg ah loo uruuriyo awoodaha, in maamul-gobolleedyada lala wadaago khayraadka, daqliga, hormarka siyaasadeed iyo nidaamka federaalka ee cadaaladda.

Dhinaca kale waxaa walaac xooggan ay ka muujiyeen xaaladda bani’aadanimada ee dib ugu soo noqotay dalka Soomaaliya, waxaana ay ku baaqeen in xaaladdaha daran ee abaarta si deg deg ah wax looga qabto.

“Waxaan soo dhoweyneynaa doorashadii dalka Soomaaliya ka dhacay ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo 8-da bishii February, sidoo kale tirada haweenka ee Baarlamaanka ku jira ayaa ah mid aad u sareysa, waxaana doorashadaasi dhacday ay aheyd mid awooda si nabad-gelya ah loogu kala wareegay”.

15 xubnood ee golaha guud ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya uu xafiiska UNSOM ka taageeri doono Nabada, Cadaalada iyo nidaamka doorashada ee 2020ka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia