Madaxweyne Farmaajo oo daah furay shirka golaha amniga Qaranka


Arbaco, July, 05, 2017 (HOL) - Madaxweynah dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u daah furay galinkii danbe ee maanta shirka gollaha amniga Qaranka oo ay ka qeybgalayaan dhamaanba madaxda dowlad gobolleedyada qeybta ka ah dowladda federaalka.

Furitaankii shirka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa ra’iisal wasaaraha xukumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre xubno ka tirsan gollaha wasiirada, taliyayaasha ciidamada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Mudadda labada cisho ee shirkan uu socdo ayaa looga wada hadli doonaa arimo badan oo quseeya amniga dalka, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dib –u-dhiska ciidamada Qaranka.

Kulanka maanta furmay ayaa daba socda shir kan oo kale ah oo bishii April dhinacyadan ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaana shirkaa looga dhawaaqay hormarinta amniga Qaranka iyo isku dhafka ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]