Gabar Soomaaliyeed oo u tartameyso Xildhibaanimada degmada 7-aad ee Magaalada Boston

Arbaco, July, 05, 2017 (HOL) - Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Deeqo Maxamed Jibriil, ayaa ka mid ah musharaxiinta u tartamaayo kursiga xildhibaanimo ee degmada toddobaad (District 7) ee magaalada Boston oo ay ku loolamayaan illaa 13 musharax oo afar ka mid ah ay dumar yihiin.

Deeqo Jibriil oo hadda ku jirto isreeb-reebka xubnaha doonaayo iney helaan tikidka Kursiga degmadaas ee xisbiga Dimuquraadiga, ayaa 26-ka bisha soo socoto ee September lagu wadaa iney ka qeyb qaadato doorashada koowaad oo la filaayo in lagu kala reebo musharaxiintaas. Isla markaasna ay ka soo baxaan labo musharax oo ugu danbeyn ku tartami doono xilkaas 7, November, ee dhammaadka sannadkaan.

Degmada toddobaad ee Gabadhaan ay u tartameyso, ayaa ku taallo bartamaha Boston, waxeyna ka kooban tahay afar xaafadood oo kala ah Roxbury, Dorchester, South End, iyo Fenway.

“Waxaan leeyahay aqoon iyo waayo arragnimo wanaagsan oo aan ku maamuli karo xilkaan haddii aan ku guuleysto, sidoo kale waxaan horumar ka sameeyay degmadaan oo dhanka ganacsiga iyo isku xirka bulshada aan kaalin wanaagsan ka qabtay” ayey tiri Deeqo Jibriil oo Hiiraan Online la hadashay.

Haddii ay ku guuleysato doorashada dowlada hoose ee matalida degmada Roxbury, Deeqo Jibriil waxey noqon doono qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah, Muslim ah, Madoow ah, una soo guuray wadanka Mareykanka oo ku guuleysto xilka Xildhibaanimo ee degmadaas.

Deeqo, ayaa sheegtay iney dhanka siyaasada horay ogala shaqeysay musharaxiin badan oo codadka ay u abaabushay. Waxeyna intaas ku dartay iney ku dhiiratay tartankaan kadib markii Xildhibaankii horay u haayay xilka degmadaas oo lagu magacaabo Tito Jackson uu horaantii sannadkaan shaaciyay inuu baneynaayo booskaas, una u tartami doono Mayor ama Duqa magaalada Bostan.

Gabadhaan oo u dhaq-dhaqaaqdo arrimaha bulshada ayaa sannadkii hore iyadoo mataleyso Bulshada rayidka waxey ka qeyb gashay, shirkii Madaxweynayaasha adduunka oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York oo looga hadlay ka hortaga argagaxisa iyo xag-jirnimada.

Deeqo Jibriil oo ku dhalatay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, ayaa qaxooti ahaan ku timid wadanka Mareykanka sannadii 1991 iyadoo 12 sano jir ah.

Waxbarashada illaa heer jaamacad ayey ka gaartay mudo badana waxey ka shaqeyneysay isku xirka iyo horumarinta bulshada, gaar ahaan u doodida xaquuqda Soomaalida ku dhaqan gobolkaan, ayuu yiri Suldaan Mahdi Axmed Cali oo intaas ku daray in gabadhaan ay ka hirgalisay magaalada Boston Suuq Bacadle ah oo lagu magacaabo Suuqa Afrika ama (African Market). 

Dhanka kale Magaalada Boston ee xarunta gobolka Massachusetts oo ku yaallo waqooyi-bari dalka Mareykanka, ayaa waxey ka mid tahay magaalooyinka ugu faca-weyna, ugun caansan Mareykanka.

Boston waxaa la aas-aasay bishii September 7, 1630, waana magaaladii ugu horeysay oo laga qoray ciidamada Bilayska Mareykanka. Sidoo kale waa magaaladii ugu horeysay Mareykanka oo yeelatay (Public Park) ama Beerta dad-weynaha oo lagu magacaabo (Boston Common) lana dhisay 1634.

Magaaladaan waxaa ku yaallo Jaamacadaha ugu caansan adduunka oo ay ka mid tahay Harvard, ilaa xilligii la aas-aasay qof dumar ah kuma guuleysanin iney xildhibaan ka noqoto degmada toddobaad ee magaaladaan oo hadda Deeqo Jibriil ay u tartameyso.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online

E-mail: [email protected]

Atlanta, Georgia – Mareykanka