Soomaaliya oo qorsheyneysa in ay la wareegto howlgalka la dagaalanka burcad badeeda

Arbaco, July, 05, 2017 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay la wareegto hogaanka howlgalka ka dhanka ah burcad badeedda ee ka socda xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda kalluumeysiga Soomaaliya.

Dr. C/raxmaan Maxamed Xaashi wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay waqti badan ku bixineyso sidii ay ula wareegi laheyd hoggaanka howlgalka la dagaallanka burcad dadeedda.

Wasiirka oo Soomaaliya ku matalaya shir laba maalmood soconaya, kaasi oo maanta ka furmaya dalka Mauritius, ayna ka qeyb galayaan wadamada urur goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha ayaa la filayaa in masuuliyiinta uu ka codsado sidii Soomaaliya loogu wareejin lahaa hoggaanka howlgalka Burcad badeeda.

Hoggaanka howlgalka la dagaalanka burcad badeedda hada waxaa maamulaya urur goboleedka IGAD, Soomaaliya waxay dooneysaa wixii hada ka dambeeya in howshaas ay la wareegto.

Shirkan oo furmaya maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa walaaca ka dhashay weerarada cusub ee burcad badeeda ay sanadkan Maraakiibta kaga qafaasheen xeebaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]