Madaxweynaha Khatumo oo digay in dib loo dhigo wada hadalladii ay la lahaayeen Soomaaliland

 

Arbaco, July, 05, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Khatumo State Prof. Cali Khaliif Galayr ayaa jawaab ka bixiyey dib-u -dhac 14 maalmood ah ee ku yimid wada hadalladii ay la lahaayeen Soomaaliland taas oo uu sheegay in ay wadaan shaqsiyaad gaar ah.

Galayr ayaa isaga oo ka hadlayay kulan ay lahaayeen waxgaradka iyo odayaasha Widhwidh ayuu sheegay in dhinacooda diyaar u yihiin wada hadallada.

"Waxaan maqlayaa hadalo aan qaab masuuliyeed lahayn oo aan qaab odayeed lahayn, waan ka jawaabaynaa, waxaanse leeyahay 10ka bishan ayuu ahaa Burco ahaa kama bixi karaan, anagaa ku heshiiney, dibna uma dhigi karaan, waxna kama bedeli karaan, haday ka baxaana waxay ka bexeen wadahadli oo dhan" ayuu yidhi Galayr.

Prof. Galayr waxaa kale oo uu eedayn u soo jeediyey masuuliyiin Soomaaliland ka tirsan oo ay degaan ahaan ka soo wada jeedaan kuwaas oo uu sheegay in ay ka tirsan yihiin maamulka ay wadahadlayaan ee aanay beesha metelin.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo sheegay in dibudhac ku yimi shirkii labada dhinac uga qabsoomi lahaa magaalada Burco, waxaa kale oo ay garabka Galayr ku eedeeyeen in ay si qaldan u fasireen shirka Burco iyagoo in ay ka waantoobaana ugu baaqay.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool