Madaxweynaha Jubaland iyo Saraakiil Mareeykan ah oo ka wada hadlay howlgallo ka bilaaban doona Jubooyinka
Khamiis, Augusto, 03, 2017 (HOL): Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa guriga martida ee magaalada Kismaayo maanta kulan gaar ah kula qaatay madaxa howlgalka ciidamada Mareeykanka ee Afrika (AFRICOM) Gen. David J.Fumess.
Kulanka oo diiradda lagu saarayay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo la filayo in dhawaan ay ka biloowdaan gobollada Jubooyinka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa madaxa ciidamada badda Mareeykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socday howlgalka AMISOM.
Gobollada Jubooyinka iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka waxaa ku sugan Ciidamo Mareeykan ah oo ay wehliyaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ay iyagu tababarteen, kuwaa oo howlgallo qorsheeysan ka fuliya goobaha ay ku suganyihiin Al-shabaab islamarkaana beegsada madaxda Al-shabaab.
Madaxweynaha Jubaland ayaa Mareeykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan ciiidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada isagoo sheegay in uu aaminsanyahay in Shabaab laga xoreyn karo gobollada ay ku harsanyihiin hadii la isu kaashado arintaasi.
Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii Shabaab looga xoreyn lahaa gobollada Jubooyinka balse waxa uu xusay in ay lagama maarmaan tahay kaalmo caalami ah oo arintaasi ku saabsan.
Ciidamada Jubaland, kuwa xoogga dalka iyo Ciidamo Mareeykan ah ayaa ku sugan deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo, halkaa oo ay dhawaan ciidamo kala wareegeen Al-shabaab, waxaana deegaankaasi uu saldhig u yahay ciidamada isku dhafka ah ee u diyaarsan howlgallada ka dhan ah Shabaab ee la filayo in dhawaan ka biloowdaan gobollada Jubooyinka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka baxaya saldhiggoodii Leego
- Golaha wasiirada oo magacaabay hanti–dhowrka guud ee Qaranka
- Qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga oo amar laga soo saaray gudaha magaalada Boosaaso
- Hanti dhowrkii guud ee Soomaaliland oo xilka laga qaaday
- Soomaaliland oo ka laabatay furitaankii Kaniisada
- Meydadkii ciidamo Uganda looga dilay weerarkii Shabeellaha hoose oo la geeyay Kampala
- Ciidamada maamulka Jubaland oo Qarax lagula eegtay Gobolka Jubada Hoose
- Koonfur Africa : Soomaali dab lagu qabadsiiyay goobahooda ganacsiga
- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo abaalmarino guddoonsiiyay kooxihii kaalmaha ka galay horyaalka kubadda cagta ee Dalka
- Al shabaab oo maanta weerar ka geystay Mandera
- Kooxda PSG oo lacagtii ugu badneyd ee ciyaariyaha lagu iibsado Adduunka ku gadaneysa xiddiga Neymar
- Magaalladda Cawaamiya ee dalka Sacuudiga oo barakac uu ka bilowday
- Shir looga hadlayay sida looga taxadari karo go'itaanka Internetna oo lagu qabtay Muqdisho