Khamiis, Augusto, 03, 2017 (HOL) – Wararka ka
imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa
howlgalka midowga Africa AMISOM isku diyaarinayaa in ay ka baxaan saldhig muhiim
ah oo ay ku lahaayeen gobolka.
Dadka deegaanka Leego ayaa sheegay in ciidamadu ay halkaa ka xir xirteen agabkooda islamarkaana
qorshayanayan in ay isaga baxaan deegaanka.
Laba sano ka hor Al-Shabaab ayaa xaradaasi weeraray, waxaana ay halkaa ku dileen Burundi u dhashay oo xeradaasi horey u daganaa.
Wasiiru dowlaha wasaarada amniga maamulka Koonfur galbeed Cabdiraxmaan Cali Baraf oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay siweyn uga xumaadeen warka ku saabsan ka bixitaanka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM deegaanka Leego madaama aan lagu soo wargalina.
Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in ciidamada xoggooda halkaa isaga baxeen saacadihii hore ee maanta inkstoo ay jiraan ciidamo kale oo wali ku sii danbeeya laakiin iyaguna qorsheynaya in ay isaga baxaan.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ay arintan ka soo saareen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online