Khamiis, Augusto, 03, 2017 (HOL) -Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday magaalladda Mandera ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya.
Kooxda ayaa gubtay laba gaari, waxaana la wariyay in khasaare xoog badan uu ka dhashay weerarka.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin inta ay la egtahay tirada khasaaraha ka dhashay weerarka, sida ay ku waramayaan warbaahinta gudaha dalka Kenya.
Guddoomiyaha Mandera Fredrick Shisia, ayaa xaqiijiyay weerarka saaka ka dhacay Waqooyi bari dalka Kenya.
“Kooxda Al Shabaab ayaa tira ahaan waxaa ay gaarayeen 50, waxaana y ku yimaadeen saddex gaari oo ka yimid dhinaca dalka Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri dadka degaanka.
Shan maalin kadib dalka Kenya waxaa ka dhici doona doorashooyinka madaxtinimada ee dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in ay qalalaaso xooggan ay ka dhashaan.
1-dii bishan August, Saraakiisha booliiska dalka Kenya ayaa shaaciyay magaca ninkii weerar ka geystay guriga madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya oo ku yaala degmada Uasin Gishu.
Taliyaha ciidamada dambi baarista Kenya Ndegwa Muhoro ayaa ku sheegay magaca qofkii weeraray guriga Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Mohammed Ibrahim Muhammad oo kasoo jeeda deegaanka Dandu Bariga Mandhera.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia