
Khamiis, Augusto, 03, 2017 (HOL) -Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiir ku-xigeenka dekedaha, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, guddoomiyeyayaasha, xiriirada kale ee ciyaaraha iyo masuuliyiin kale ayaa shalay ka qeyb-galay munaasabad abaalmarinno lagu guddoonsiinayay kooxaha kaalmaha hore ka galay horyaalka heerka koowaad ee kubadda cagta Soomaaliya.
Kooxda Dekedda oo horyaalkan ku guuleysatay ayaa la guddoon siiyay Koob iyo lacag dhan 184 Milyan oo shilin Soomaali ah, halka kooxda Banaadir Telecom oo gashay kaalinta labaad la guddoon siiyay 94 Milyan oo Shilin Soomaali ah, Kooxda Elman oo iyana kaalinta Saddexaad timid ayaa la guddoon siiyay lacag dhan 46 Milyan oo Shilin Soomaali ah.
Ra’isulwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Cayaaraha waxtar dhinacyo badan leh u leeyihiin bulshada sidaas darteedna Siyaasadda dowladda ay ka mid tahay kor u qaadista iyo dhiiri gelintooda iyo in dib loosoo celiyo dhammaan kooxihii ay lahaayeen Wasaaradaha dowladda.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye
ayaa oo iyana Munaasabadda ka hadashay ayaa u hambalyeysay kooxaha kaalmaha
hore ka galay horyaalka heerka koobaad ee kubadda cagta Dalkeena waxaana ay
sheegtay in wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta guud ahaan cayaaraha gaar
ahaanna Kubadda cagta.
Horyaalka dalka Soomaaliya ayaa xiiso gaar ah lahaa sanadkan, waxaana kooxda Dekedaha ay muujisay sida ay ugu go'neeyd ku guuleysiga koobka.
Ciyaaraha ayaa si weyn waxaa looga xiiseynayay dhammaan degmooyinka Gobolka
Banaadir.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia