Talaado, August, 01, 2017 (HOL) –Dowladda Shiinaha ayaa maanta deeq raashiin ah oo gaareysa (2,800 tan oo bariis ah) ku wareejisay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoona deeqdaasi lasoo marsiiyay hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.
Kulankii wareejinta deeqda ayaa waxaa lagu qabtay dekadda magaalladda Muqdisho, waxaana kasoo qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Bani’aadminimada iyo Maareynta Musiibooyinka, Dr Maryan Qasim, Safiirka Shiinaha u fadhiga Soomaaliya, Amb Qin Jian, ku-xigeenka madaxa WFP u qaabilsan Soomaaliya iyo madax ka socotay dowladda iyo hay’addo aan dowli aheyn.
Edith Heines oo ah ku-xigeenka madaxa WFP u qaabilsan Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri “Bariiskan waxuu qeyb ka yahay deeq $10 milyan ah oo Shiinaha uu ku taageerayo dadaalada WFP ay ku bixineyso abaaraha Soomaaliya”.
Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Amb Qin Jian, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan deeqda ay siiyaan dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Bani’aadminimada iyo Maareynta Musiibooyinka, Dr Maryan Qasim, oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in deeqda raashiinka ay daba socoto deeq Shiinaha ka timid bishii August ee lasoo dhaafay.
“Maanta munaasabaddaan aan iskugu nimid, waxay daba socotaa munaasabadii hore ee bishii August aheyd, taas oo deeq nooga timid Shiinaha aan ku gudoonay, deeqda maanta timid waxay ka koobantahay bariis kaas oo ah 2,800 oo tan ah“, ayeey tiri Wasiiradda.
Xafiiska OCHA ee QM ayaa sheegay in tirada dadka gar-gaarka u baahan ee ku sugan gudaha Soomaaliya in ay gaarayaan 6.2 milyan, taas oo caga-cageyneysa kala bar dadka Soomaaliya sida QM gaar ahaan UNDP u diiwaan gashan.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia