Talaado, August, 01. 2017 (HOL) - Maraykanka ayaa
cunaqabatayn ku soo rogay madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro.
Dowladda Maraykanka ayaa Maduro ku eedeeysay hindisihiisa sharciga baalmarsan
ee uu ku dhaqan gelinayo golaha sare ee ka shaqaynaya dib u qorista dastuurka
dalkaas.
Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Steven Mnuchin ayaa ku dhawaaqay in la xayiray
dhammaan hantida madaxweyne Maduro uu ku leeyahay Maraykanka, isla markaana
dadka Maraykanka ah laga mamnuucay inay wax ganacsi ah ay la sameeyaan
madaxweynaha Venezuela.
Dowladdaha Mexico, Colombia iyo Peru, ayaa iyagana ku biiray Maraykanka,
waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda
doorashada dalkaasi ka dhaceysa.
Sidoo kale Nikki Haley, oo ah wakiilka dowladda Maraykanka ee Qaramada Midoobe,
ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay qorshayaasha uu wado Maduro, kuwaas
oo ah sharci darro.
Xoghayaha Maaliyadda ayaa ku tilmaamay madaxweyne Maduro, inuu yahay keli
taliye iska indho tiray doonista shacabkiisa.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia