Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose

 Talaado, August, 01, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa uu dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Marka ayaa sheegay in dagaalka oo soo bilaawday xalay labada dhinac isku adeegsanayaan hub culus oo ay ka mid yihiin qoryaha ku rakiban gadiidka dagaalka.

Guddoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar ayaa sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed oo horay ugu dagaalamay magaalada.

Shacabka ku dhaqan xaafadaha Buulo Jaan iyo Beyturaas ayaa ka barakacay, waxaana dagaalka uu bilowday xalay oo muddo saacado socday, iyadoo maanta barqadii uu dib u bilowday.

Marka ayaa sanadihii ugu danbeeyayba aheyd mid aan daganeyn, waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay labo maleeshiyo, iyadoo ay jiraan eedeymo soo baxaya oo sheegay in ciidamada dowladda oo la kala safan labada dhinac dagaalka ku lug leeyihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

More News