Talaado, August, 01, 2017 (HOL) – Ciidamada booliiska Soomaaliyeed sida gaar ah loogu tababaray barista fal danbiyeedyada iyo dhismashada ka dhalata isku dhacyada Joint Investigation Team (JIT), ayaa bilaabay in ay baaris ku sameeyaan falkii uu ku dhintay Ciise Jiijiile oo mar soo noqday taliye ku-xigeenka nabad-sugida gobolka Banaadir.
Ciidamada booliiska ee baaritaanka sameynaya ayaa tagay goobtii uu ka dhacay iska horimaadkii dhaxmaray ciidamada ee afafka hore ee Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo ay ka bilaabeen baaritaan la xiriira sidii uu u dhintay sarkaalka.
Dilka Ciise Jiijiile ayaa waxaa ka dhashay is-mari-waa soo kala dhaxgalay eheladiisa iyo dowladda federaalka, waxaana ay dalbadeen qoyska uu ka soo jeedo in ay sharciga la hor keeno shaqsiyaadkii ama askartii ka danbeysay dilkiisa.
Iska horimaadka uu ku dhintay sarkaalka ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday tiro kale oo ka mid ciidamada dowladda gaar ahaan militariga iyo nabad-sugida.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online










