
Arbaco, Nofeembar 23, 2016 (HOL)-Darawalada tagaasida ee shirkada Uber ayaa ilaa shalay ilaa maanta dibad baxayay caasimada Kenya ee Nairobi ayagoo ka cabanayay qarashka lasiiyo oo ku yar ama lagu yareeyay.
Waxay sidoo kale sheegeen in adeegga shirkada Uber ay iska deyn doonaan oo tagaasiileyda caadiga ah ay ku biiri doonaan. Waxay sheegeen inay sidaa ku dhaqaaqi doonaan hadii qarashkii markii hore shirkadaasi u qoondeysay balse dib laga jaray aan sidiisii hore lagu soo celin.
"Uber waa shirkad software ee maahan shirkad gaadiid'. Waxaa sidaasi ku qorneyd mid ka mid ah boorar ay siteen dibadbaxeyaashu.
Waxay sheegeen in shirkado badan ay khasaareen kuwaasoo gudaha Kenya ka shaqeeya ganacsiga waxayna sheegeen in hadii aan wax laga qaban dhibaatooyinka guud ahaan haysta taagaasiileyda ayana ay khasaari doonaan.
Mid kale oo boorarka ay lulayeen ah ayaa waxaa ku qornaa 'Dawlada iyo Uber hilib bey cunayaan anaguna sidaa darteed dhareer ayaa naga da'aya'. Waa macnaha sida hilibkaa oo aan loo ogoleyn ay u rabaan.
Hilibka la cunayo markii sidaa loo dhigo ayaa waxaa laga wadaa musuqmaasuqa waxyaabaha lagu lunsado oo gudaha Kenya ayaa sidaa looga yaqaan.
Macnaha waxay ka wadaan in dawladu aysan ka dhicinayn Uber maadaama Uber iska laaluushtay ayagana sidaa arinkooda dan looga baxay.
Bishii Agoosto ilaa 3 kun oo tagaasiileyda caadiga ah ayaa dibad baxay kadib markii shirkadaasi qiime ka jaban boqolkiiba 35 kooda ay bilowday inay macaamiisha ku qaado.
Laakiin dibad baxa ay dhigeen Uber darawaladeeda ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay uga soo horjeestaan qaabka shirkadaasi wax u siiso iyo inta ay qarash siiso mar kasta oo macaamiil ay u qaadaan, gudaha Kenya.
Bishii Abriil ee sanadkaan ayaa sidoo kale ay darawalada shirkadaa ee Koofur Afrika ay ugu mudaaharaadeen kadib markii arinkaan oo kale uu lasoo gudboonaaday.
Bishii Febraayo ee 2015, shirkadaa ayaa gudaha Washington DC, Mareykanka dhintay qarashkii ay dadka ku qaadi jirtay taasoo macnaheedu yahay in qarashka lasiiyo darawaladuna isdhimay taasoo keentay in darawalo badan nidaamka shirkadaa iska daayaan.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]