Arbaco, Nofeembar 23, 2016 (HOL)- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo kaashaneysa Ururka Ardayda dalka Cumaan ayaa u dabbaaldagay 46-guurada maalinta xorriyadda dalkaas oo loo yaqaan National Day Celebration, taasoo sanad kasta lagu qabto meelo badan oo caalamka ka tirsan.
C/xafiid Ibraahim Siciid oo ka mid ah Soomaalida asal ahaan kasoojeeda dalkaas, kana tirsan xubnihii soo qabanqaabiyay xafladan ayaa sheegay in dalka Cumaan uu saaxiib la yahay dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid wanaagsan, taasoo keentay in marar badan ay caawimaad u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen.