Galmudug oo beenisay in musuq maasuq baahsan lagu hayo doorashada xubnaha aqalka hoose ee Cadaado


Arbaco, November, 23, 2016 (HOL) -- Dowladda gobolleedka Galmudug ayaa ku gacan-seyray eedeymo la xiriira doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka socta Cadaado oo lagu tilmaamay mid musuq-maasuq baahsan uu ka jiro.

Afhayeenka guddiga doorashada maamul gobolleedka Galmudug Yuusuf Diiriye ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in eedeyntaasi tahay mid aan sal iyo raad toona laheyn, islamarkaana ilaa iyo hadda musharixiinta soo baxay yihiin kuwo la waafajiyay nidaamka iyo sharciga u degsan doorashada.

“Ma jiri doonto kuraas dib loogu laabanayo oo mar kale la soo doorranayo, dhamaan muwaadiniinta soo baxay waxaa ay waafaqsan yihiin nidaamka doorashada u degsan, doorashada waa doorasho Soomaaliyeed, cid kale oo shaqo ku leh ma jirto, si cadaalad ahna waa ay u soctaa'' ayuu yiri afhayeenka.

Mar wax laga weydiiyay in musharixiinta qaarkood gacantooda ku soo qortaan xubnaha 51-da ergada ah si ay ugu codeeyaan, ayuu yiri '' Arintaasi  waa waxba ka ma jiraan ergada waxaa soo qora nabadoonka beesha oo la tashanaya odayaasha kale isla beesha ka tirsan, ergo uusan nabadoonka soo gudbin ma'aha ergadii saxda aheyd, mana la aqballayo''

Inkastoo afhayeenka guddiga doorashada maamulka Galmudug beeniyay eedeymaha ka dhanka ah hanaanka doorashada aqalka hoose, ayaa dhinaca kale ilo xog -ogaal ah oo madax-banaan waxaa ay sheegaya in ay jiraan musharixiin loo diiday in ay ka qeyb-gallaan doorashada, halka dhinaca kale kuraas loo qoondeeyay haweenka la sheegay in ay ku tartameen rag oo kaliya, taasoo qeyb ka ah musuq -maasuqa jira.

Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban Avv. Cumar Dhagey ayaa dhawaan sheegay in guddiga xalinta khilaafaadka awood u leeyihiin go'aan ka gaarista natiijo  soo baxday, haddii la ogaado in doorashadaas u dhacday si aan sharciga waafaqsaneyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya