Dagaallo Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmaray Bakool

Talaado, Janaayo 06, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 15-qof oo dhinacyaduu uu u dhexeeyay dagaalka ka tirsan ayaa dhintay dagaallo culus oo deegaanno ka tirsan gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada dowladda Somalia kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalladan ayaa ka dhacay deegaanno bari kaga beegan degmada Xudur ee xarunta u ah gobolka Bakool, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Macallin oo la hadlay warbaahinta madaxa-bannaan.

“Ciidamada dowladda ayaa weerarro ku qaaday deegaanno ay ka mid yihiin; Ceel-xagar, Abaq-beedeey, Laan-xabag, Kuunyaaley, Ceel-mareer, kuwaas oo ay Al-shabaab saldhigyo ku lahayd,” ayuu yiri Maxamed Macallin.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray inay dagaalladaas kaga dileen Al-shabaab 10-ruux ayna sagaal kale kaga dhaawaceen, laakiinse ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaartay dagaalkan.

Balse goobjoogayaal ku sugan deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa laga soo xigtay inay arkeen maydadka shan askari oo ciidamada dowladda looga dilay dagaalladan, tiro kale oo dhaawacyo ahna ay arkeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalkii ugu xoogganaa uu ka dhacay deegaanka Ceel-xagar oo 25-km bari kaga beegan degmada Xudur, halkaasoo la sheegay inaysan labada dhinac ku sugnayn.

Xaaladda deegaannadii lagu dagaalamayay ayaa deggen, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ay dagaalladan kasoo saartay xoogaggii Al-shabaab, iyadoo maamulka gobolka Bakool ay sheegayso inay la wareegeen gabi ahaan deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya