
Talaado, Janaayo 06, 2015 (HOL) — Wararka laga helayo deegaanka Galgala ee gobalka Bari ayaa sheegaya in gellinkii dambe ee shalay uu dagaal culus ku dhexmaray buuraleyda Golis ciidamada Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu socday muddo saacad ku dhow, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, iyadoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn cidda gacanta ku haysa goobihii lagu dagaalamay.
Warbaahinta Puntland ayaa ka gaabsatay ka hadalka dagaalkii shalay dhacay buuraha Gal-gala, iyadoo qaarkood ay sheegeen in dagaalladan ay ahaayeen kuwii ugu xoogganaa ee ka dhaca buuraleydaas.
Sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ayaa warbaahinta qaarkeed u sheegay inay la wareegeen ciidamadooda saldhig ay kasoo duuli jireen xoogagga Al-shabab ee ku sugan Galgala.
“Ciidankeennu waxay dagaalka ku dileen toddoba ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee ay la dagaalameen, innagana waxaa nooga dhimatay laba askari,” ayuu wakaaladda wararka ee Turkiga Anadolu u sheegay C/qaadir Sumeysane oo ka mid ah saraakiisha Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab oo ka hadashay dagaalkan ayaa sheegtay inay ku dileen dagaalkaas afar ka mid ah ciidamada Puntland ee ay la dagaallameen, balse ma jiro wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray oo ay sheegeen.
Buuraha Golis ee gobolka Bari ayaa waxay tan iyo sannadkii 2010-kii xarun u ahayd Al-shabaab, halkaasoo ay kaga soo duuli jireen ciidamada Puntland ee ku sugan deegaannada kala duwan ee maamulkaas.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya