Talaado, Janaayo 06, 2015 (HOL) — Dadweynaha magaalada Taleex ayaa soo bandhigay dhaqaale mood iyo nool isugu jira, kaasoo ay ugu talo-galeen in lagula dagaallamo geedka garan-waaga oo dhibaato xoogga leh ku haya degaannada ay ku nool yihiin dadka xoolo dhaqatada ah.
Xoolaleyda dooxada Dhummay oo Koonfur 40-km kaga aaddan Taleex ayaa sheegay in ay 30-geel ah iyo 200-ari ah ay diyaariyeen si loola dagaallamo geedkan.
Xasan Yuusuf Cali Koore oo ku hadlayay afka dadweynaha ayaa sheegay in ay haatan u soo jeesteen sidii ay geedkaa isaga qaban lahaayeen, waxaanu ku dheeraaday dhibaatooyinka uu leeyahay.
“Geedkan wuxuu nabaad-guuriyay dhul ballaadhan oo 90-km ku dhow, sidoo kale qodaxda geedkan dad iyo duunyaba dhaawac xoog leh ayay ku haysaa oo inta badan hawl-gab ka dhigta,” ayuu yiri Xasan Koore.
Sidoo kale, Sheekh Siciid Axmed Carad ayaa isna sheegay in dadweynaha degmada Taleex ay dhaqaale dhan 10,000 oo doollar ay iska ururiyeen si ay qayb uga qaataan la-dagaalanka geedka garan-waaga ama keligii-noolaha loo yaqaan.
Doodo ku aaddan ka hadalka geedkan iyo dhibaatooyinkiisa ayaa dooxada Dhumay lagu qabtay, taasoo la isku dhaafsaday aragtiyo ku aaddan ciddii ka shaqeyn lahayd sidii geedkan looga cirirb-tiri lahaa deegaanka.
Tallooyin badan oo ah sidii loo nabaad-guurin lahaa geedkaan ayaa lagu soo ban-dhigay doodda, kuwaasoo horay loo tijaabiyay laguna guuleysatay, sida ay sheegeen waxgaradkii iyo dadweynihii kale ee doodda ka qaybgalayay.
Si kasta oo ay tahay, tallaabadan reer Taleex ay qaadeen ayaa waxaa ka war-sugaya deegaanno badan oo uu geedkan waxyeello badan ka geystay, iyadoo geedkan Koonfurta Soomaaliya looga yaqaanno Geed-yuhuud ama Cali-garoob, dadka qaarkiina ay ku tilmaamaan AIDS-ka dhulka.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool