Macalimiinta Iskuulada Kenya oo Maalintii 2-aad kawada dalkaas Dibadbaxyo


Talaado, Janaayo 06, 2015 (HOL) — Sannad dugsiyeedka cusub ee dalka Kenya oo shalay dib u bilowday ayaa waxaa aanan tagin Iskuulada dowlada Macallimiinta wax bari laheyd ardayda kaddib markii ay sameyeen mudaharaadyo ay horay u sii shaaciyeen.

Macallimiinta ayaa waxey ka cabanayaan dhanka Mushaarka, iyagoona dalbaday in loo kardhiyo lacagaha ay dowladu siiso iyo waliba gunooyinka ay qataan, inkastoo dowladda Kenya ay sheegtay in hadda aysan hayn lacag badan oo ay siiso macallimiinta.

Dugsiyada Waxbarashada ee dowlada ay maamusho, ayaa ah kuwa ardaydu ay tagayaan maallintii labaad xili barayaashu aynan joogin, waxaana sidoo kale lagu arkayaa Iskuulada arday ku ciyaaraayo fasalada hortooda.

Sahan loogu kuur-galay qaabka uu hada ku bilaabanaayo sanad dugsiyeedka cusub ee waxbarashada Kenya, ayaa lagu sheegay in dugsiyada ay dowlada maamusho ay yihiin kuwa ka hooseyo Iskuulada sida gaara ah loo leeyahay oo maalintii labaad ay ardaydu si wacan waxbarashadoodu u wataan.

Waxaa sidoo kale lagu ogaaday sahankaas in macallimiintu maalintii labaad aysan soo shaqo tagin, dugsiyada qaarkoodna ay faaruq yihiin, sidoo kalana arday fara ku tiiska ay gaareen fasaladoodi xili macallimiintoodi aynan imaanin.

Dhanka kale caqabada haysato dugsiyada dowlada ay maamusho, ayaa waxey la xiriiraan cabashooyin soo noq-noqday oo macallimiintu ay ka sheeganayaan ballan fur dowladu ay ku sameeysay heeshiisyo dhowr jeer lala galay Macallimiinta oo ku saabsan dhinaca kordhinta mushaaraadka iyo gunooyinka ay qaataan.

Fulin la’aanta heeshiisyadaas, ayaa waxey saameeyn ku yeelatay waxbarashada ardayda iyo waalidiinta dhalay’ iyadoo dhanka dowladuna ay ku andacooneyso inaan lahaaynin dhaqaalaha ku baxaayo dalabka macallimiinta.

Arrintaan ayaa waxey ku soo aadeysaa iyadoo Imtixaanaadkii ugu dambeyay ee ay galeen ardayda badan oo sanadkii la soo dhaafay galay imtixaanka fasalka 8-daad ee dugsiga dhexe ay ku guul dareysteen iney u gudbaan fasalka koowaad ee dugsiga sare.

Sidoo kale cabashada ay sameynayaan Macallimiinta dugsiyada dowlada ee Kenya, ayaa waxaa sidoo kale bar-bar socdo cabashooyin ay ayaguna horay u sameyeen Xubnaha Dhaqaatiirta Kenya kuwaasoo iyaguna ka cabanaayo dhanka mushaaraadka ay qaataan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya