SAWIRRO: Dood-wadaag la xiriirta Is-dhexgalka Bulshada iyo Ganacsiga oo lagu Qabtay Pretoria


Arbaco, December 09, 2015 (HOL) — Dood-cilmiyeed lagu qabtay magaalada Pretoria ee xarunta Koonfur Afrika ayna iska kaashadeen safaaradaha Somalia iyo Sweden ee Koonfur Afrika ayaa looga hadlay is-dhex-galka bulshada, gaar ahaan Soomaalida Koonfur Afrika ku nool iyo dadka Koonfur Afrikaanka ah iyo waliba sida ay Soomaalida ganacsiyada ku leh dalkaas ay ugu soo kordhiyeen Horumarka dhaqaale iyo in laga barto Khibradaha ay u leeyihiin ganacsiga.

Waxaa dooddan ka ka wada-qayb-galay labada danjire ee wadamada Somalia iyo Sweden, qaar ka mid ha mas’uuliyiinta labada safaaradood, xubno wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Koonfur Afrika ka tirsan, qaar ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ka md ah, xubno matalayay ururada bulshada, khuburo ka socotay dalka Sweden iyo marti-sharaf kale.

Danjiraha Sewden u fadhiya Koonfur Afrika, Anders Hagelberg oo shirkan furay ayaa ugu horreyn u mahad-celiyay madxada safaaradda Somalia oo qayb ka qaadatay in dooddaan ay qabsoonto, wuxuuna xusay in doodan ay muhiim u tahay Somalida oo ah dad maskax-furan oo mudan in wax laga barto habka ay ganacsiga u sameeyaan; isagoo carrabka ku dhuftay in Somalida ku nool dalka Sweden ay yihiin bulsho ka dhex-muuqata shucuubta kale, inkastoo aan ganacsi la mid ah kan dalka Koonfur Afrika aysan sameyn.

“Marka ugu horreysa waxa loo baahan yahay in la fahmo in is-dhexgalka dadka la barto, waxaana ka hadlayaa dhanka dhaqaalaha. Maanta waxaan rabnaa in aan fahano sida wax loogu baran lahaa Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika, gaar ahaan dhinaca ganacsiga,” ayuu yiri safiirka Sweden u fadhiya Koonfur Afrika.

Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo soo noqday wasiirkii warfaafinta Somalia & afhayeenkii madaxtooyada DFS oo ka mid ahaa marti-sharaftii doodda lagu casuumay ayaa isagana si weyn ugu hadlay Soomaalida Qurbaha ku nool iyo horumarka ay ka sameeyeen dalalka magan-galayada siiyay.

“Somalida waa dad u maskax furan hal-abuurka ganacsiga, iyagoo mararka Qaar la kulma caqbado, waa dad ku wanaagsan xagga is-kaashiga; sidoo kale waxay abuuraan fursado iyo ganacsiyo yar-yar meelaha tuulooyinka ah eek u yaalla Koonfur Afrika,” ayuu doodda ka yiri Inj. Yariisoow.

Qaar ka mid ah ganacstada Soomaalida ee Koonfur Afrika muddada fog galay oo iyaguna hadlay ayaa sheegay in Soomaalida ay kasoo billaabaan ganacsigooda meelo hoose, ayna marka dambe ay wax la qaybsada bulshada inteeda kale.

Dhanka kale, Safiirka Somalia u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Danjire Jamaal Maxamed Barroow oo isagana kulanka doodda ah ka hadlay ayaa u mahadceliyay safiirka safaaradda Sweden iyo kasoo qayb-galaayasha kulanka, isagoo intaas ku daray in Soomaalida dalkaan kusoo kordhiyeen horumar wanaagsan oo la taaban karo.

“Waxaan dhiiri-galinaynaa dadkeena ganacsatada ah inay dhex-galaan bulshada deegaanka u dhashay, ha noqoto kuwa leh ganacsiga yar-yar ama kuwa ganacsi waaweyn leh; ayna la wadaagaan khibradooda, waxaan dowladda Koonfur Afrika iyo shacabkooda u sheegaynaa in ganacsatada Somalida ah ay si dad-ban wax ugu soo kordhiyaan ayna abuuraya fursado, canshuurtana bixiyaan,” ayuu yiri ayuu yiri danjire Jamaal Barroow.

Ugu dambeyn, kulankan doodda ah oo socotay hal maalin ah ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan; iyadoo dadkii kasoo qayb-galay kulanka ay wadaageen fikirado kala duwan oo wax ku ool ah.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika