Dowladda oo WFP u Cusbooneysiisay Heshiiska ay uga Howlgaleyso Dalka Somalia (SAWIRRO)


Arbaco, December 09, 2015 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumada Somalia ayaa maanta si rasmi ah u cusbooneysiisay heshiis ay hay’ada beeraha iyo cunnada Dunida ee WFP uga hawl-galeyso Somalia, kaddib markii uu dhammaaday xilliga heshiiskii hore.

Heshiiska ayaa waxaa Muqdisho ku saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar iyo wakiilka hay’adda WFP ee Somalia, Laurent Bukera, waxaana saxiixa heshiiskan goobjoog ka ahaa garyaqaanka guud ee DF Somalia, Cismaan Cilmi Guuleed, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda, Cali Maxamed Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa wuxuu xoojinayaa dadaalada ay hay’ada WFP uga hor-tageyso xaaladaha bani’aadanimo ee mararka qaar lasoo gudboonaada dadka iyo duunyada ku kala nool Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia.

Ugu dambeyn, hay’ada WFP ayaa waxay ka mid tahay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Somalia, waxaana hay’addani ay ka shaqeysaa beeraha iyo cunnada adduunka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya