
Arbaco, December 09, 2015 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa xabsi 50-sano ah ku xukuntay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay fal-dambiyeed la xiriira inuu si kas ah magaalada Johanesburg ugu dilay muwaadin kale oo Soomaali ah.
Yoonis Yuusuf Maxamed oo 32-sano jir ah ayaa maxkamaddu waxay ku heshay dambigii lagu soo eedeeyay ee ahaa inuu si bareer ah u toogasho una dilay 03-dii bishan December ruux Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Ilyaas Maxamed C/maalik oo 25- jir ahaa.
Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Soomaalidu ka degto magaalada Johanesburg ee Mayfir, wuxuuna dilkan yimid kaddib markii labadan nin ay ku murmeen goob lagu ciyaaro bil-yaardiga sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen booliiska dalka Koonfur Afrika u hadlay oo lagu magacabao Xoli Mbele.
Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inay soo qabashada tuhmanahahan ka geysteen gacan weyn dadka deegaanka uu dilku ka dhacay, isagoo xusay inuu eedeysanahan dambiga lagu helay uu baxsaday markii uu dilku geystay, waxaa sidoo kale la helay bistooladdii uu diilka ku fuliyay, taasoo qayb ka ah xukunka xabsiga in loo sii dheereeyo.
Afhayeenka ayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ugu mahad-celiyay soo qabashada eedeeysanaha wuxuuna sheegay inay wada-shaqeynta booliiska iyo jaaliyada, taasoo uu xusay inay qayb weyn ka qaadan doonto yareyta falal-dambiyeedyada ka dhax-dhaca jaaliyadda qoxootiga ku ah Johannseburg iyo guud ahaan Koonfur Afrika.
Ugu dambeyn, Dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin kumannaan Soomaali ah ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca dilal ay Somalida dhaxdooda isku geeystaan, kuwaasoo la xiriira is-qab-qabsi ganacsiga iyo arrimo kale; iyadoo marar badan magaalooyin ku yaalla dalkaas ka dhaceen dilal ay Soomaalida dhaxdooda isku geesteen; kuwaasaoo qaarkood lagu xaliyay wadahadal dhaxmaraya dhinacyada ay dhibaatada dhaxmartay.
Cumar Muxumed Maxamed (Kiyoow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika