Markab looga shakiyay kalluumeeysi sharci-daro ah oo laga qabtay xeebaha Kismaayo [Sawirro]
Arbaco, December 09, 2015 (HOL) —Ciidamada maamulka Jubaland oo kaashanaya kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay Markab la tuhunsanyahay in uu kalluumeeysi sharci darro ah ka waday xeebaha gobolka J/hoose.
Markabkan oo madaxda dowlad goboleedka Jubaland ay sheegeen in uu ka diiwaan-gashanyahay dalka Madagascar ayaa waxaa saarnaa shaqaale gaaraya sagaal qof oo uu ku jiro Kabtanka markabka.
Madaxweeyne kuxigeenka Jubaland C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), afhayeenka maamulka C/naasir Seeraar Maax, Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga mudane Max'ed Warsame Darwiish, saraakiil iyo madax kale ayaa kormeeray dekedda Kismaayo halkaasoo la geeyay Markabka ay ciidamadu soo qabteen.
Waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka Jubaland C/naasir Seeraar Maax, isagoo sheegay in Markabkani ay kasoo qabteen meel ku dhow dekedda Kismaayo islamarkaana ay ku wadaan baaritaanno.
"Markabka waxaa soo qabtay ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM, ma garaneeyno ilaa hadda waxa uu yahay, Ma daacish baa leh, ma Al-shabaab buu u socday, mise kaluumeeysi sharci darro ah ayuu waday, laakiin waa la ogaan doonaa, waxaana loo saaray guddi," ayuu afhayeenku hadalkiisii raaciyay.
Madaxweeyne kuxigeenka ayaa guddi ka kooban 11 qof u saaray in ay baaritaan kusoo sameeyaan waxa uu yahay markabka iyo weliba howsha uu ka hayay xeebaha gobolka J/hoose.
Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa aalaaba ka jalaabta maraakiib shisheeye kuwaa oo dhibaato ba'an ku haya kalluumeeysatada Soomaaliyeed ee ka jalaabta xeebaha dalkeenna.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Ninkii kasoo baxsaday Al-shabaab oo Muqdisho la keenay iyo Wasiirka Difaaca oo ka Hadlay
- Xukuumadaha Britain & Kenya oo kala Saxiixday Heshiis lagu Tababarayo Millateriga Dalka Kenya
- Al-shabaab oo Maanta xukun ku fulisay Nin lagu soo eedeeyay inuu kufsaday gabar dhallinyaro ah
- Shir ku saabsan xoojinta Waxqabadka Hay’adaha iyo Hufnaanta Maaliyadda oo Maanta Furmay
- SAWIRRO: Dood-wadaag la xiriirta Is-dhexgalka Bulshada iyo Ganacsiga oo lagu Qabtay Pretoria
- Kulan looga hadlayay Waxbarashada Haweenka oo lagu Qabtay Magaalada Laascaanood ee Sool
- Dhismaha Wasaaradda Bartoolka oo la Daah-furay iyo xogtii Soma Oil oo lala soo Wareegay
- Dowladda oo WFP u Cusbooneysiisay Heshiiska ay uga Howlgaleyso Dalka Somalia (SAWIRRO)
- Maxkamad ku taalla Johannesburg oo xabsi 50-sano ah ku Ridday Muwaadin Soomaaliyeed
- Bandhig fanneed weyn oo lagu Qabtay Magaalada Beledwyene ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)
- Somali Islamic Online oo ah Dugsi hab Online ah wax looga barto oo Bishaaro u haya Qurbo joogta
- Xukuumadda Kuuriya oo Gaadiid ugu deeqday Wasaarada Arrimaha Dibadda XFS (SAWIRRO)
- SHARIIF XASAN: Markii Al-shabaab laga hakiyo dagaallada iyaguna dib ayay isku soo Abaabulaan