.jpg)
Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Kaddib shirar is-daba-joog ah oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay degmada Beledweyne uga socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ugu dambeyntii leysku afgartay in shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ka furmo maaalada Jowhar.
Kulamada oo intooda badan ahaa kuwo adag oo leysku weydaarsaday aragtiyo kala duwan ayaa kii ugu dambeeyay oo duhurnimadii maanta ku dhaxmaray madaxweynaha iyo wax-garadka magaalada Baladweyne waxaa lagu guuleystay in la isku waafaqo Wareegtadii ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somalia ee aheyd shirka dhismaha maamulka labada gobol lagu qabto magaalada Jowhar.
.jpg)
Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo saxaafadda kula hadlay xarunta maamulka gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in madaxweynaha iyo odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan isku af-garteen in la dadajiyo dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan oo dhinaciisa la hadlay Warbaahinta ayaa kula dar-daarmay bulshada ku nool gobolka Hiiraan inay ka shaqeeyaan siduu hadalka u dhigay midnimada iyo wadajirka, lana wadda ilaaliyo ammniga guud ee magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha Somalia iyo wafdigii uu horkacayay ayaa galabta ka anbabaxay magaalada Beledweyne, iyaga oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya