Shariif Xasan oo Maanta Tababar ugu soo xiray degmada Diinsoor Ciidamo Boolis ah (SAWIRO)


Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Koofur-galbeed, Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta safar ku tagay degmada Diinsoor ee gobolka Bay, isagoo tababar ugu soo xiray ciidammo ka tirsan booliiska maamulkiisa.

Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulkiisa, wax-garad iyo saraakiil ayaa ka mid ahaa wafdiga uu hoggaaminayay Shariif Xasan Sheekh ee maanta gaaray degmada Diinsoor oo ka mid ah degmooyinka uu ka taliyo maamulkiisa.

Markii wafdigu ay tageen Diinsoor ayuu Shariif Xasan maamulka degmadaas iyo qaybaha bulshada sida, haweenka uu kulammo la qaatay, wuxuuna kala hadlay xaaladda amniga iyo tan bani’aadanimo ee ka jirta degmadas, isagoo u xubnihii uu la kulmay usheegay in lasoo gaarsiin doono dhawaan gargaar bani'aadamnimo.

Sidoo kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tababar u soo xiri doono ciidamo ka tirsan kuwa maamulka oo dhawaanahan ay tababarro uga socdeen Diinsoor, ciidamadaasoo ay tababar siiyeen ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

Dhanka kale, booqashada uu Shariif Xasan ku tagay degmada Diinsoor ayaa noqonaysa tii labaad oo uu ku tago degmadaas tan iyo markii xoogaggii Al-shabaab ee maamulayay laga saaray bartamihii sannadkan aynu ku jirno.

Ugu dambeyn, Diinsoor ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka hoos-yimaada maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia, iyadoo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidamada dowladda Somalia ay ka saareen Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya