SAWIRRO: Taliyaha Ciidanka Booliiska AMISOM oo dhawaan Safar ku Tagay Magaalada Kismaayo


Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Taliyaha Booliiska AMISOM, Anand Pillay oo ay wehlinayeen taliye ku xigeenkiisa, Christine Alalo oo hoggaaminayay saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan booliis ayaa booqasho ku tagay Kismaayo 21-kii bishaan December.

Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay inuu ahaa sidii kulan ay ula qaadan lahaayeen wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish si ay isula meel-dhigaan tababar la siinayo saraakiisha ciidanka booliiska ee ka howlgala Kismaayo, kaasoo qorshuhu yahay inuu billowdo 15-ka bisha Jannaayo ee sannadka 2016-ka.

Kulanka labada dhinac oo uu goob-joog ka ahaa la-taliyaha madaxweynaha Jubbaland oo lagu magacaabo Raage ayay saraakiisha booliiska AMISOM waxay ka sheegeen inay ka go’an tahay inay tababarro aasaasi ah siiyaan booliiska Jubbooyinka si ay u adkeeyaan ammaanka gobollada uu maamulka Jubbaland ka taliyo.

“Waxaa naga go’an sidii aan tababar u siin lahayn markii ugu horreysay ciidanka booliiska Jubbaland, kuwaasoo ay ku jiraan booliiska ka howlgala degmooyinka iyo weliba booliiska gobollada Jubbooyinka,” ayay yiraahdeen saraakiishii kala duwanaa ee ka socday booliiska AMISOM.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland, Darwiish ayaa dhankiisa si aad ah u soo dhaweeyay tababarka ay AMISOM siinayso booliiska maamulka, isagoo xusay in tani ay qayb ka qaadanayso sidii loo adkeyn lahaa ammaanka guud ee deegaannada Jubbaland.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo ciidamada Booliiska AMISOM ay Tababarro siiyaan booliiska Jubbaland, iyadoo horay tababar u soo siiyay booliiska gobolka Koonfur-galbeed Somalia iyo kuwa ka howlgala Muqdisho.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya