Xildhibaan bogaadiyay kulamadii dhex-maray Madaxweynaha iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan


Arbaco, December 23, 2015 (HOL) — Xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka FS ee kasoo jeeda gobolka Shabeellada dhexe ayaa soo dhaweeyay wada-hadalladii labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Beledweyne uga socday odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan oo inta badan looga wadda hadlayay qorshaha dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo go'aanka odayaasha gobolka Hiiraan ee ah shirka dhismaha maamulka labada gobol lagu qabto xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ee Jowhar, iyagoo ixtiraamaya wareegtadii ka soo baxday madaxweynaha.

''Dabcan wadda-hadallada madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ee qorshaha dhismaha maamulka labada gobol waa wax aad u wanaag badan, gaar ahaan waxaan ku amaanayaa odayaasha sida wanaagsan oo ay doodda uga qeyb-qaateen, ugu dambeyntiina waxaa noo muuqata in wax walba guul ku soo dhamaadeen, taana waxay soo dadajin kartaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda-gallo qorshaha dhismaha maamulka labada gobol'' ayuu yiri Xildhibaan Xanafi.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in gobolka Hiiraan uu yahay hooyadii gobollada Soomaaliya, siddaa daraadeed mudan yahay mar walba yeesho muhiimad gaar ah, isagoo carabka ku adkeeyay in hogaamiyaha maamulka dhismaya uu kasoo baxo gobolka Hiiraan.

''Dabcan dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe waa muhiiim, waxaan soo dhaweynayaa doodda odayaasha dhaqanka ee ah in hogaamiyaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe uu ka soo dhax baxo gobolka Hiiraan, iyaddoo laga eegayo baaxada dhulleed iyo taariikhda uu gobolku leeyahay'' ayuu yiri xildhibaanka.

Ugu dambeyn, Madaxweynha Somalia oo maanta ka ambabaxay Beledweyne ayaa kulamo kala duwan la yeeshay labadii cisho ee la soo dhaafay odayaasha dhaqanka iyo waxgardaka gobolka Hiiraan oo  ay ugu danbeyntii isla meel dhigeen dhamaan qodobadii laga wadda-hadllay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya