Shirkii Wadatashiga doorashada 2016-ka oo weli aan furmin iyo qodobo lagu Muransan yahay


Arbaco, December 16, 2015 (HOL) — Shirka madasha wada-tashiga Qaran ee lagu waday in maanta lasoo gaba-gabeeyo ayaan weli furmin, iyadoo ay jiraan qodobbo ay dhinacyadu weli isku mari la' yihiin.

Arrinta weli sida weyn loogu murasan yahay ayaa la sheegayaa inay tahay in lagu saleeyo doorashada dalka ka dhici doonta sannadka soo socda dhacaysa nidaamka 4.5-ka, taasoo ay kasoo horjeesteen qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada dalka.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedyada ayaa ku sugan xarunta shirku ka furmi lahaa, inkastoo aan weli shirku furmin, sidoo kale waxaa goobta ku sugan xubno ka socda Beesha Calaamka.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in laga yaabo in shirka maanta lasoo gunaanado; la iskuna soo laabto bisha Jannaayo ee 2016-ka, laakiinse waxaa weli la isku mari la’yahay qodobadii laga doodayay.

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay horay sheegeen inay ku talinayaan in doorashada lagu saleeyo hab deegaan, halka maamullada Koonfur-galbeed iyo Galmudug ay u soo jeediyeen in doorashada lagu saleeyo 4.5 oo ah midka ay ku dhisan tahay dowladda dhexe ee hadda jirta.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in madaxda dowladda Somalia ay iyaguna doonayaan in doorashada soo socota lagu sameeyo nidaamka 4.5-ka, taasoo ay diidan yihiin madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Ugu dabmeyn, Warar la helayo ayaa sidoo kale sheegaya inay u badan tahay in nidaamka 4.5-kala qaato, balse madaxweynayaasha maamul-goboleedyada ay gobolladooda dib ugu laaban doonaan si ay shacabkooda uga soo dhaadhiciyaan in nidaamkan la qaato, inta ka horreysana aan wax go’aan ah la shaacin doonin.

Si kasta oo ay tahay, kulankaan oo ay ahayd maalin ka hor in lasoo xiro ayaa waxaa dib u dhaca ku yimid uu ka dhashay muranka ku saabsan nooca doorasho ee 2016-ka ay noqon doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya