Safiirka Somalia u fadhiya dalka Saudi Arbia oo la kulmay wasiir ku xigeenka shaqada Sucuudiga


Arbaco, December 16, 2015 (HOL) — Danjiraha Somalia u fadhiya boqortooyada Sucuudi Carabiya, Daahir Maxamud Geelle ayaa maanta la kulmay wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada ee dalkaasi, Axmed bin Saalx Al-xumeydaan.

Shirkaan ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal ee Somalia iyo Sacuudiga, gaar ahaan dhinaca keenista shaqaale Soomaaliyeed oo ka shaqeysta Saudi Arabia.

Axmed bin Saalax Al-xumeydaan ayaa sheegay in dowladdiisu ay sameysay sharciyo lagu maamulo xuquuqda shaqaalaha la keenaayo sida saacadaha ay shaqeynayaan iyo fasaxyada shaqaalaha.

Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay xiriirka Qotada-dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga u dhexeeya ayaa sheegay in booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku yimid Sucuudiga Madaxweynaha Somalia iyo wada-hadaladii dhex-maray Madaxweynaha iyo Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis.

Ugu dambeyn, kulanka safiirka waxaa ku wehliyay Salim Macow Hagi oo ah la-taliyaha koowaad ee safaarada, isla markaana ah ku xigeenka danjiraha iyo Cali Nuur oo ah xog-yahaya labaad ee safaaradda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya