
Arbaco, December 16, 2015 (HOL) — Booliiska Angola ayaa maalimihii ugu dambeeyay howlgala baaxad leh oo ay ka sameeyeenm caasimadda dalkaasi ee Luanda iyo deegaanada ku xeeran ayaa waxay ku qayb-qabteen in ka badan 20-qof oo ay 15 ka mid ah Soomaali yihiin, kuwaasoo lagu eedeeyay inay sharci-darro ku joogaan Anglola.
Dadkan ayaa la sheegay inay iyagoo aan diiwaan-gashanayn ka furteen dalkaas ganacsiyo kala duwan, sida uu sheegay ganacsade C/llaahi Muuse Kaabeer oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkai Angola ku nool.
Sidoo kale, ganacsadaha ayaa xusay in dadka la xir-xiray oo u badan Somali ay haatan ku jiraan xabsiyo kala duwan kuwaasoo aysan garanaynin sababta lo xiray waxaana uu xusay in hay’adda qoxootiga ee UNHCR ay ku wargaliyeen in dad badan oo ajaanib ah Somali ka mid tahay ay booliiska dalkaasi ka-xeysteen isla markaane ay xabsiga u dhaadhicyeen; iyagoona ka codasaday in dadkaasi ay dadaal u galaan sidii xoriyadooda ay dib ugu heli lahaayeen.
Angola oo Sannadihii u dambeeyay dhaqaalihiisu aad u sii kobcayay; isla markaana ay ka jiraan fursado ganacsi lagu abuuri karo ayaa waxaa u shaqo doontay dad badan oo Afrikaan ah; kuwaasoo ay Somaali qayb ka tahay.
Mar sii horreysay ayaa xukuumadda Angola waxay dalkeeda ka musaafurisay ku dhawaad 140-qof oo ajaanib ah, kuwaasoo qaarkood ay Somali ahaayeen, laguna eedeeyay in ay ku kacayeen falal amniga Angola liddi ku ah.
Ugu dambeyn, ma jirto cid isku howshay wax u qabashada qoxootiga Soomaalida ah ee xabsiyada Angola buux-dhaafiyeye; waxaana laga codsaday dowladda FS inay il-gooni ah ku eegto dadka ku nool dalka Angola ee maalin walba xabsiyada lagu gurayo.
Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika