Arbaco, December 16, 2015 (HOL) — Kumanmaan shacab ah ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigaya dalka Koonfur Afrika, kuwaasoo dalbanaya inuu madaxweyne, Jacob Zuma xilka ka dago, kaddib markii uu dhowr jeer kala badalay wasiirka dhaqaalaha, taasoo jah-wareer ku keentay dhaqaalaha dalkaas.
Jacob Zuma ayaa shaqada ka eryay toddobaadkii hore wasiirkii dhaqaalaha ee waddankaas, Nhlanhla Nene, iyadoo lagu bedelay David van Rooyen, waxaana is-bedelka labada wasiir u dhexeysay afar maalmood oo kaliya.
Sidoo kale, Zuma oo ka tirsan xisbiga ANC oo talada Dalka Koonfur Afrika hayay tan iyo sannadkii 1994-kii markaasoo dalkaas uu ka baxay gumeysigii midbad-kala-sooca ahaa.
“Waxaan taageersannahay in talada dalka uu hayo xisbiga ANC, balse waxaan u jeednaa in madaxweynuhu uu haatan noqonayo mid qalalaase dhaqaale dalka u horeedaya,” ayuu yiri Theresa Giorza oo macallin jaamacadeed; kana mid ahaa dibadbaxayaal ku sugnaa faraage ku yaalla bartamaha magaalada Johannesburg.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Xilligaan waxay shacabka dalkeennu si aad ah u dareemayaa xaaladda oo sii xumaanaysa, waa taas midda keentay inaan bannaan-baxyadan cabashada ah sameynno.”
HALKAN KA DAAWO BANNAANBAXYADA KA DHANKA AH JACOB ZUMA;
Bannaan-baxayaasha ayaa ku eedeynaya xukuumadda Zuma inay lugaha kula jirto musuq-maasuq baahsan, taasoo ay sheegeen inay caqabad ku tahay horumarka dhaqaale ee dalka.
“Tani waa qorshe kale oo lagu doonayo in carqaladeeyo dimuqraadiyada Koonfur Afrika,” ayuu yiri mid ka mid ah ururradii soo agaasimay dibadbaxyada ka dhacaya magaalooyinka dalka Koonfur Afrika. Isagoo raaciyay. “Jacob Zuma ma haysto caddeymo ah inuu yahay hoggaamiye dimuqraadiyadeed oo rasmi ah iyo horumariyo dhaqaale.”
Dibadbaxyada ayaa waxay ka dhacayaan magaalooyinka waa-weyn ee Koonfur Afrika oo ay ka mid yihiin; Johannesburg, Cape Town iyo Pretoria. Iyadoo ka Qayb-qaadanayaaan qaybaha kala duwan ee dadweynaha, sida ardayda iyo weliba shaqaalaha dowladda.
Ugu dambeyn, dibadbaxayaashan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo Koonfur Afrika uu ka jiro jahwareer dhaqaale, sidoo kalena ay hoos u dhaceen maal-gashadayaashii Ajnabiga ahaa ee dalkaas maal-gashiga ku sameysan jiray.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)