Isniin, November 24, 2014 (HOL) — Kulankan oo looga hadlayay sidii shacabka ku dhaqan deegaanada Jubooyinka iyo maamulka ay isaga kaashan lahaayeen xaqijinta ammaanka ayaa waxa uu ka dhacay xarunti hore ee Caymiska ee magaalada Kismaayo.
Kulankan ayaa waxa kazoo qeybgalay madaxweeyne kuxigeenka 3-aad ee maamulka Jubba Mudane C/qaadir Sheekh Max’uud (Lugadheere), wasiirro ka tirsan maamulk Jubba, Saraakiisha ciidanka, madaxda degmada Kismaayo, ururrada dhalinyarada, haweenka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kismaayo.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada Kismaayo waxa uuna ka warbixiyay xaaladda guud ee magaalada, isagoo sheegay in gudoomiyeyaasha xaafadaha magaalada iyo guud ahaan shacabkuba ay diyaar u yihiin la shaqeynta maamulka.
Taliyaha ciidamada maamulka Jubba Aadan Goojaar oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka in ay kala shaqeeyaan amniga, isagoo sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid walba oo caqabad ku ah ammaanka.
Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay in xaafadaha magaalada ay aad u ilaaliyaan afaafka hore ee guryahooda, wuxuuna xusay in gurigii uu qarax hortiisa ka dhacay in dadka dagan loo aqoonsan doono dambiile, gurigana lagala wareegi doono.
Dhammaan dadkii ka hadlay goobta ayaa ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay wada shaqeynta maamulka iyo shacabka, waxaana dhamaantood ay si isku mid ah ugu booriyeen bulshada reer Kismaayo in ka shaqeeyaan nabadgelyada.
Gabagabadii ayaa waxaa kulanka ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka 3-aad ee maamulka Jubba Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (lugadheere), kaasoo sheegay in kulankani uu yahay mid la doonayo in ay isku wareeystaan shacabka iyo laamaha amniga, waxa uuna xusay in kulamada caynkan oo kale ah ay sii socon doonaan.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca magaalada Kismaayo, waxa uuna kusoo beegmayaa xilli mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka soconayeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka, kuwaaso lagu soo qabqabtay dad badan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya









