Isniin, November 24, 2014 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in shacab isa soo abaabulay ka dhigeen degmada dibadbax ay uga soo horjeedaan gudaha degmadaas C/casiis Ibraahim Duuroow.
Mid ka mid ah ka qeyb-gallayaasha dibadbaxa oo HOL la hadlay ayaa sheegay in isku soo baxa uu ahaa mid shacabka ay ku diiddan yihiin maamulka, gaar ahaa guddoomiyaha oo marar badan oo hore odayaasha dhaqanka degmadaas ku eedeeyeen musuq-maasuq.
“Dadka isku soo baxay cabasho ayeey muujinayeen, waxaa ay ka cabanayeen maamulka dowladda ee halkan ka jira Buula-burte, gaar ahaan guddoomiyaha degmada oo marar badan oo hore aan ka codsanay dowladda in ay tallaabo ka qaado ayuu yiri,'' mid ka mid ah odayaashii ka qeyb-gallay dibadabaxa maanta.
Dhinaca kale, guddoomiye C/casiis Duuroow oo aan la hadalnay wuxuu ku tilmaamay isku soo baxa in uu ahaa mid aan sidaa micno u sii laheyn, isla markaana ay ahaayeen dadka dibadbaxa dhigayay haween caruur iyo ardey dugsiyada laga soo kaxeeyay, laakiin waxaa uu ka gaabsaday in uu carabka ku dhuftay waxa ay dadku ka cabanayaan.
Odayaasha dhaqanka degmada ayaa horay eedeyn ballaaran u jeediyay guddoomiyaha Buula-burte oo ay ku eedeeyeen in uu musuq-maasuqayo gargaarka loogu talagalay dadka dhibaateysan, balse eedeyntaas waa uu iska fogeeyay dhinaciisa guddoomiyaha.
Ugu danbeyntii, wararka dhinaca kale ka imanaya degmada Buula-burte ayaa sheegaya in xarrakada Al-shabaab gubeen tuulooyin hoostaga degmada oo dhawaan ay ku dirireen iyaga iyo dadka shacab ah sidaana waxaa u xaqiijiyay warbaahinta guddoomiyaha degmada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya