Afhayeenka baarlamaanka dalka Iran oo sheegay in ay Somalia taageerayaan

Isniin, November 24, 2014 (HOL) — Afhayeenka barlamaanka dowladda Iran Ali Larajani oo ay Jabuuti ku wada kulmeen afhayeenka barlamanka Somaaliya Mohamed Osman Jawari ayaa sheegay in Iran ay diyaar u tahay taageero ay u fidayaan dowladda Somaliya.

“Iran waxa ay ka taageeri kartaa Somaliya arimo ay ka mid-yihiin  tababaridda shaqaalaha si xirfadeysan iyo waliba mid farsamo “ayuu yiri Larajani oo ka hadlayay kulankii labada dhinaca dhex-maray shalay.

Waxaa masuulkan uu ku celiyay sida dowladda Iran ay uga go’antahay in ay xiriir Diblumaasi oo dhow la yealato dowladda Somaliya ,waxaana jiray mashaariic ay labada dhinac iska-kaashanayeen oo dhowr jeer oo hore laga hirgaliyay gudaha Muqdisho.

“Diyaar ayey tahay Iran in ay Somaliya kala shaqeyso sidii looga hortagi lahaa kooxaha burcad-badeedda caalamiga ah “ayuu hadalkiisa ku daray Larjani oo dowladda hadda  jirta ku amaanay dadaallada laga sameeyay dhinaca amniga.

Afhayeenka barlamaanka Soomaaliya Prof.Jawaari oo isna kulankaas hadal kooban ka sheegay ayaa ka dalbaday dhigiisa Iran in uu booqasho ku yimaado Muqdisho si loo kordhiyo iskaashi dhaqaale iyo mid xiriir oo labada dhinac ay wada yeeshaan.

Ugu danbayntii madax kala duwan oo ka socotay barlamaanada dalal badan oo caalamka ah ayaa ka qayb-galay munaasabad xarigga looga jarayay dhismaha cusub ee barlamaanka dalka Jabuuti ,taasi oo lagu qabtay magaalada Jabuuti laba maalin ka hor.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]