Tartan isugu jiray Aqoon iyo Cayaaro lagu soo Gunaanaday Magaalada Taleex


Isniin, November 24, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu soo gunaanadayay tartamo isugu jira aqoon-isweydaarsi iyo ciyaaraha oo dhex-martay ardayda dugsiga sare ee Jeerin ayaa ka dhacday degmada Taleex ee gobolka Sool.

Xafladdad oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare ee Jeerin ayaa waxaa abaal-marin lagu guddoonsiiyey ardaydii ku guulaysatey tartanka aqoonta iyo kuwa kubadda sida uu ku dhawaaqay maamulaha iskoolkaas, Cismaan Cabdi Buraale.

Maxamuud Cali Warsme (Waraabe) guddoomiyaha guddiga waxbarashada Taleex ayaa ardayda ugu baaqay inay qaybtooda ka qaataan nadadda qurba-joogta ku dhaliilay gacantii ay waxbarashada ku lahaayeen oo istaagtay.

Sheekh Siciid Axmed Cadar oo maalmihii u dambeeyey wacyigelin nabadda ah ardayda ka dhex-waday ayaa wuxuu sheegay waxyaabo badan oo aanu ku arag ardayda magaalooyinka kale uu dugsiga Jeerin ku arkay.

Guddoomiyaha guddiga nabadaynta degmada Taleex, Khadar Cali Jaamac ayaa hadal dheer oo ku saabsan doorka ay nabadda iyo horumarka ku leeyihiin ardayda ku leeyihiin ka jeediyay munaasabadda.

Ugu dambayn, waxaa munasabadaas oo gaba-gabeeyay wasiirka federaalka iyo garsoorka maamulka Khaatumo, Goohe Cali Cartan oo abaalmarinno loo qoondeeyay guddoonsiiyay ardaydii mutaystay.

Si kataba ha ahaatee, ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Jeerin ayaa wada dadaallo ay doonayaan inay tusaale ugu noqdaan bulshada deegaanka oo baryihii dambe ay colaado aafeeyeen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool