Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sida jir ah maanta xafiiskoodda ku qaabilay aqoonyahanka iyo waxgaradka gobolka Awdal ee ku nool waqooyiga Maraykanka.
Aqoonyahankan ayaa madaxweynaha soo gaadhsiiyey dhambaal ay ugu hambalyeynayaan waxqabadka iyo horumarinta ay dalka gaadhsiiyeen mudadii ay hogaanka la wareegeen.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay aqoonyahanku si mug leh uga hadleen waxqabadkaasi xukuumaddan kulmiye samaysay mudadii ay xilka hayeen.
“Run ahaantii hadaanu nahay aqoon yahanka iyo wax garadka gobolka Awdal ee degan waqooyiga maraykanka, waxaanu si dhow ula soconaa talaabooyinka is daba jooga ah ee dhinaca horumarka u socda ee xukumad ahaan aad qaadeen, waxaanu aad ugu farax sanahay in horukacaasi uu Raad ku yeeshay siyaasada arrimaha dibada iyo tan gudahaba, waxaana xusid mudan isbedaladaasi in ay yihiin qaar taabtay bulshada reer Somaliland oo dhan, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin wadooyinka, waxbarashada, caafimaadka, amniga gudaha, arrimaha dibada, miisaaniyada iyo waliba qaar kale oo badani”ayuu ayey ku sheegeen qoraalkaasi ay u gudbiyeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Sidoo kale, waxay ku bogaadiyeen socdaalkii dheeraa ee xeebaha uu ku soo maray madaxawaynuhu kuna dhiiri gelinayay wax-qabadka adeegyada bulshada, waxaanay tilmaameen inay markhaati cad ka bixinaya waajibaadkii iyo amaanadii ummada aad u hayseen ayey yidhaahdeen.
“Waxaa naga go’an in kaalintayada annagoo isku duuban aanu qaadano, idinkuna barbar istaagno dhisamaha qaranka iyo horumarintiisa, waanu idinku hambalyaynaynaa horumarka marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya kaasi oo muuqaalka uu bixinayaa ay noqonayso mid uu taageero qarankeenu kaga helayo bulshada caalamka, ayay ku soo gaba-gabeeyeen”ayey yidhaahdeen aqoonyahankan la kulmay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland