Xisbiga DADKA oo talooyin u jeediyay Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia


Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Xisbiga DADKA oo ka mid ah xisbiyadii ka qayb-galay doorashadii madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu kala doorto kursiga madaxweynaha iyo dowladnimada Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Somalia uu ku yimid doorasho uu ku guuleystay uuna ku helay codka kalsoonida baarlamaanka dalka. Beesha caalamka iyo qabiilada Soomaaliyeed midna kuma imaan kalsoonidooda iyo dadaalkooda. Sidoo kale kuma uusan imaan rabitaanka shacabka. Dibad iyo gudaba waa laga soo dhaweeyey doorashada madaxweynaha, mana aysan jirin beelo si gaara u caleemo saartay oo uu u dhaartay inuu xilka u haynayo iyo inuu magacooda ku joogo xaafiiska.

Madaxweynuhu wuxuu qaaday xil Qaran oo waajibaadkiisu yahay gudashada fulinta howlaha lagu socodsiinayo maamulka dowladda. Marka ay timaaddo in madaxweynuhu uu ku guuleysan waayo kartida lagu gudanayo hoggaaminta dowladda, waxaa eedda qaadaya madaxweynaha oo awoodi waayay inuu guto xilka loo doortay. Beelaha Soomaaliyeed, deriska iyo beesha caalamka midna looma saarin karo karti xumida madaxweynaha.

“Soomaalida waxaa caado u ah in marka xil la gudan waayo oo ay timaaddo eedeyn quseysa cidda xilkeeda kasoo bixi wayda in aysan gar-qaadan cidda ku fashilantay howsha laga sugayay, taas bedelkeedna shaqsiga xilka haya u tusiya farta lagu soo goday iney muujinayso meel ka dhac lagu bah-dilayo xilka ay hayso beeshiisa. Waxaad arkeysaa durbadiiba dhiilo wada saameysay beesha uu kasoo jeedo howl-wadeenka xilka gudan waayay, iyagoo iska dhaadhiciyay inay ujeedaddu tahy in beeshooda wadar ahaan loo dan leeyahay oo loosoo jeedo wax-yeeladooda,” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay bayaanka in eedda baarlamaanka Soomaaliya uu u soo jeediyay madaxweynaha oo ay ku dhaliileen karti-xumo keentay inuu ku guul-darreystay hoggaaminta dalka, iyadoo arrintaas loo fasirtay in kursiga madaxweynaha loo dan leeyahay. Inkastoo dood badan ay ka taagan tahay sida loo arko arrintan.

“Banaanbaxii dhawaan ka dhacay Muqdisho oo uu soo abaabulay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo qiirada ay xambaarsaneyd fariinta loo soo abaabulay isku soo baxa wuxuu ka turjumayaa talo-xumo weyn inay haysato madaxweynaha iyo la-taliyeyaashiisa. Dad masaakiin ah oo laga soo uruuriyay xaafadaha iyo dad lagu soo kiciyay qaab beeled kama turjumayaan codka shacabka ku nool Muqdisho oo si xor ah u cabiraya dareenkooda,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dakhliga Muqdisho kasoo gala dekedda, canshuurta gobolka iyo garoonka weli lama hayo xisaabteeda iyo sida loo isticmaalo dhab ahaan, haddii cid ku takri-fashay cuniddeeda waxaa dhaliisheeda iska leh cidda maamusha. Dadka ku nool Muqdisho waxay faa’iido badan ku qabaan hay’adaha dowladda dhexe oo ku leh xaruumaha Muqdisho, xaruumaha ay ku leeyiihiin ururrada caalamiga iyo kuwa shisheeyaha ah. Waxaa si gaar ah xusid u mudan joogitaanka xaruumaha UN-ka oo dhaqaale badan oo caalamka ay kasoo uruuriyaan ay mushaar iyo mashaaric ahaan u geliso ciidanka, xildhibaannada, iyo howl-wadeenada dowladda Somalia, lacagtaas oo xooggeeda dib ugu soo noqota adeegyada ka jira Muqdisho. Ma jirto dhaqaale Muqdisho kasoo baxda oo lagu dabaro mushaaraadka shaqaalaha, ciidamada, xildhibaannada iyo howl-wadeennada dowladda. Armey wanaagsan tahay reer Muqdisho inay gartaan dantooda iyo maslaxadda ay ku qabaan hoyga ay u yihiin dowladda dhexe.

Baarlamaanka waxaa horyaalla inuu badbaadiyo dowladnimada dalka oo uusan u xaglin kursiga madaxweynaha oo lagu eedeeyay xil-gudasho la’aan. Ma jirto awood ay leedahay beel gaar ah oo ka leexin karta baarlamaanka inuu waajibka saaran guto iyo la xisaabtanka kala dhexeeya xukuumadda.

Xisbigu wuxuu sheegay inuu qabo in madaxweynuhu uu ku guul-darreystay xilkii loo doortay iyo howshii laga sugayay, iyagoo sheegay in habka mas’uuliyiinta kala duwan ee xukuumadda loo magacaabayo aysan ahayn mid sharciga dalka ku dhisan.

“Shacabka Soomaaliyeed ee jecel inay arkaan dowladdooda oo si dhab ah uga shaqeyneysa Qaranka Soomaaliyeed waxay indhahooda ku arkaan qarka ay ka laalaado madax-bannaanida Soomaaliya oo hoggaankeeda uu la marin habaabay madaxweynaha, waxayna sidoo kale indhaha ku hayaan baarlamaanka Somalia inuu badbaadiyo dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxya xisbiga DADKA.

Ugu dambeyn, qoraalka xisbiga uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu talo ahaan kusoo jeedinayo inaan go’aanka xildhibaannada ee ka dhanka ah baaqii ay kasoo saareen xidhibaannada baarlamaanka madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu xisbigu u soo jeediyay baarlamaanka in madax-bannaanida iyo garashadu uu dareensiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya