Madax dhaqameedkii ka yimid Muqdisho oo ka Warbixiyay Isbedel ku yimid

Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Madax dhaqameedkii ka Yimid magaaladda Muqdisho ee dhawr kii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa Somaliland, ayaa qayb ka mid ahi dib u noqotay halka qaybta kale sheegtay inay sii joogi doonaan.

Illaa labaatan oday dhaqameed ayaaa dib u laabtay, haseyeeshee waxa dib u noqashadda qaarkood iyo intoodda kale joogi taankoodda ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha oo shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa, waxaanay sheegeen inay xubnahaasi laabtay arrimo u gaar ah ugu laabtay iyo hawlo ka jiray Muqdisho, balse ay iyagu joogi doonaan ilaa maalinta 18 May oo si weyn loogu dabaaldego Somaliland,isla markaana dadweynaha kala qaybgali doonaan xuska maalintasi.

Madax dhaqameedka Oo  daladda aan dawliga ahayn ee SONSAF casuumadd qaddo ah u samaysay ayaa sheegay inay shacabka Somaliland ka raali galinayaan isbedelka ku yimid qaar ka mid ah madax dhaqameedka oo si degdeg ah dib ugu noqday magaaladda Muqdisho.

“Dadku haddii ay badan yihiin oo ay safraan qaar baa dano iska yeesha, qaar baa iska tegi kara laakiin waxaanu rabaa inaanu idiin sheegno inta joogta waa duubkii rasmiga ahaa ee dadkii socday duubabkoodii ahaa ilaa idinku aad fasaxdaan oo aad eeriboodhka ka ambabixisaan iska bixi maayaan”ayuu yidhi Ugaas Cabdi oo ka hadlayey xubnaha dib u laabtay.

“Waxaan idin leeyahay dad baa iska tegey laakiin annagu qabiil ma nihin ee waxaanu nahay qaran Soomaaliya ah, qarankii Soomaaliyana dadkii metelayayna way idinla joogaan”ayuu raaciyey hadalkiisa

“Somaliland Waa Dawlad, wixii aanu aragnay baana noogu filan, ilaahay baana idinku garab galay waxaad haystaan, waxaad doonaysaanna illaahay ha idiin fudaydiyo isaga uun baa dhamaystiraya”ayuu yidhi xoghayaha odayaasha Ugaas Cabdi Yacquub.

Waxaanu intasa ku daray: “Waxaan leeyahay waxaanu aragnay wax la qarin karo maaha, wax annagu aanu qarsanaynana maaha, waanu sheegaynaa, waxa aad idinku nagu shubteenna, dadka aanu ka nimi baanu ku shubaynaa,  wixii aanu annagu dhegaha ka maqli jirnayna dhaayahaanu ku aragnay, waxaanu ku qasbannahay  in dadkii aanu ka nimi ee aanu salaadiinta u nahay ku shubno waxaanu aragnay.

“Waxaan halkan ka sheegayaa Soomaalidu way iska warqabtaa, idinku waxaad ka dhaqan tihiin oo aad ka dhisan tihiin  waxa weeye, qaybta dhaqanka, annaga waxa na xooggay siyaasiyiin oo nimankii dhaqanka aan u ogolayn doorkoodii  siyaasadeed inay qaatan, Illaahii idin haleeshiiyey baana mahadaa leh”ayuu raaciyey Ugaas Yacquub.

“Markii aanu halkan imanaynay waxaanu dooranay shan nin oo na hogaaminay, shanti nin hal nin baa tegey  intii kale way joogaan ha werwerina, waxaanan u joognaa wixii aanu u nimi inaanu dhamaystirno salaadiinta iyo  aqoonyahanka Somaliland farriinta ay na faraan inaanu u gudbino Soomaaliya. Waxa kale oo aanu u joognaa maalinta idinka (Somaliland) agtiina qiimaha weyn ku leh ee calankaas [Towxiidka] Laa-illaaha Illa-laah ay ku qoran tahay aad taagteen farxadda maalintaas inaan idinkala qayb galno ayaanu u joognaa”. Sidaa waxaa yidhi mid kamid ah weftiga Madax dhaqameedka Soomaaliyeed ee Hargeysa ku sugan .

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha ayaa is waydiinaya sababta u kala jabeen, isla markaana qaarkood si degdeg ah dib ugu laabteen qaarkood wali u sii joogaan, waxaana wali sii socday kulamadda ay la yeelanayaan qaybaha kala duwan ee bulshadda..

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland