Laacibka khadka dhexe ee Kooxda Chelsea oo sheegay inuu dhisayo Masaajid


Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Laacibka Djemba Ba oo u ciyaara Chelsea oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Britain ayaa sheegay inuu ka dhisi doono magaaalada uu kasoo jeedo ee dalkiisa Senegal Masaajid.

Djmeba Ba waa cayaaryahan ka ciyaara dhexda oo ka mid ah 40-ciyaartoy oo muslimiin ah oo ka ciyaara horyaalka dalka Britain, waxaana markii ugu horreysay oo uu shaaciyo inuu dhisi doono masaajid.

Ciyaaryahankan ayaa noqonayaa kii labaad oo dhisa masaajid ay dadka muslimiinta ah ku tukadaan, iyadoo ciyaarkanka Fredic Kanoute oo u dhashay dalka Maali uu masaajid ka dhisay Sevile oo ku taalla dalka Spain, kaasoo ay ku baxday lacag gaaraysa 700-kun oo doollarka Mareykanka ah.

Kanoute ayaa xilligaas wuxuu u ciyaarayay naadiga Real Bets oo ka mid ah kuwa dalka Spain, wuxuuna ka tagay kooxda kaddib markii ay si aad ah u dhaleeceeyeen Yuhuudda, kaddib markii qoraal uu qoray uu ku muujiyay in uu aad uga xun yahay dad Falastiiniyiin ah Israa’iil ay ku dishay duqeyn ka dhacday Gaza sannadkii 2009.

Ma uusan sheegin ciyaaryahan Djmeba Ba lacagta uu doonayo in masjidka uu ku dhiso, balse wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inuu sida ugu dhaqso badan masaajid uga dhiso magaalada uu kasoo jeedo.

Laacibkan ayaa inta badan mark uu gool dhaliyo waxaa la arkaa isagoo ku dhex-sujuudaya garoonka; taasoo uu ku sheegay inay tahay mid uu ku muujinayo muslimnimdiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya