
Jimco, June 27, 2014 (HOL) — Dowladda Saudi Arabia ayaa sheegtay in ay ka shakisan tahay cudur boqolaal qof ay u dhinteen inuu kaga yiri geel ganacsi looga dhoofiyay dalalka Bariga Afrika oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Madaxa guddiga arrimaha caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka Saudi Arabia, Tariq Madani ayaa sheegay inay ka baareen geel ku jira dekedda Sucuudiga cudurkan ka hor intii aan loo ogolaan in gudaha dalkaas la geliyo.
Cudurkan dadka badan ku dilay dalka Sucuudiga ayaa loo yaqaannaa MERS kaasoo markii ugu horreysay la arkay dad qaba sannadkii 2012-kii, waxana uu cudurkan la sheegay inay isi shabbahaan cudur sannadkii 2003 ka dilaacay dalka Shiinaha.
Qiyaastii 700 oo ruux ayuu cudurkan ku dhacay gudaha dalka Saudi Arabia, waxaana illaa hadda u dhintay 292-qof sida lagu xusay warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka boqortooyada Saudi Arabia.
“Waxaan cudurkan uga shakisannahay inuu nooga yimid geela dalalka Bariga Afrika laga keeno, balse weli caddeyn uma hayno,” ayuu yiri Madani oo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters. Isagoo intaas raaciyay in wasaaradda beeraha Suduudiga ay tahay tan leh go’aanka ugu dambeeya ee lagu mamnuuci karo in geela laga keeno dibadda uu yahay kan sababay inuu cudurkan ka dilaaco sucuudiga iyo in kale. iyadoo wasaaraddu aanay weli ka hadlin.
Boqortooyada Saudi Arabia ayaa horay loogu eedeeyay qaabka ay ula tacaashay cudurka MERS, waxayna aqoonyahannada dalkaas ay sheegeen inaysan dowladdu tix-gelin doonto baaritaanada ay sameeyeen.
Dalka Saudi Arabia ayaa ah suuqa ugu weyn ee loo iib-geeyo geela dalal badan oo ku yaalla Bariga oo ay ku jirto Somalia, iyadoo geella ay Soomaaliya u iib-geyso dalka Saudi Arabia lagu qiyaaso 70% xoolaha ganacsi ahaanta u taga khaliijka carabta. Iyadoo inta hartayna loo iib-geeyo dalal kale oo ay ku jiraan Qatar, Masar iyo Yemen.
Warbixin dhawaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in sannadkii hore ee 2013 laga dhoofiyay Soomaaliya xoolo isugu jiray geel, lo’ iyo ari, kuwaasoo qiimahoodu ku kacay 4.7 Milyan oo doollarka Mareykanka. Kuwaasoo laga kala dhoofiyay dekedaha ku yaalla Boosaaso iyo Berbera.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya