Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti


Jimco, June 27, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Jabuuti ayaa Jawaari wuxuu ugu horreyn madaxweynaha Jabuuti u gudbiyay salaam uu madaxweynaha Soomaaliya kaga siday, isagoo shacabka iyo dowladda Jabuuti ku ammaanay sida ay Soomaaliya u garab-taagan yihiin,sidoo kalena wuxuu faahfaahin ka siiyay xaaladda dalka meesha ay mareyso iyo hormarrada la gaaray.

Madaxweynaha Jabuuti oo isna hadlay ayaa aad u bogaadiyay howlaha shaqo ee ay waddo dowladda federaalka Somalia, isgaoo amaanay qaabka uu xiligan u shaqeeyo baarlamaanka isagoo ugu dambeyn ballan-qaaday in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerrada hagar la’aaneed ay ee ay la garab-taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaa booqasho ku tagay dekedda Jabuut, iyagoo soo indha-indheeyay qaybaha kala duwan ee dekeddu ka kooban tahay, iyadoo lagu wado inay maanta kaga qayb-galaan magaalada Jabuuti sannad-guurrada 37-aad ee kasoo wareegatay markii ay Jabuuti xornimada ka qaateen gumeystihii Faransiiska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya