Jimco, June 27, 2014 (HOL) — Madaxda ururka Midowga Afrika ee ku shiraya magaalada Malabo ee dalka Equaorial Guine ayaa isku raacay in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo loogu magac daray kuwa heegaanka oo ay yeelan doonaan dalalka la isku yiraahdo EASF oo ay ku midaysnaan doonaan dalalka ku yaalla bariga Afrika.
Heshiiskan waxaa Soomaaliya u saxiixay ray-sul wasaare C/weli Sheekh ,waxaana ujeedka loo asaasay ay tahay in ay ka jawaabaan dalalka ay colaaduhu ka soo cusboonadaan ,iyaga oo taageera ka heli doona Qaramada Midoobay.
Raysul-wasaaraha oo ka hadlayay arintan ayaa sheegay in tani ay calaamad u tahay soo noqoshada karaamadii Soomaaliya, isla markaana ay Somaliya diyaar u tahay ka qayb-galka howl-galkan.
"Shaqodooda waxa ay noqon doontaa in ay u gurmadaan meelaha ay dhibaatooyinka ka dhacaan ee qaaradda Afrika"ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo ka hadlayay heshiiskan si wada jirka ah loo saxiixay.
Ugu danbayntii shirka Guine ayaa lagu amaamanay dadaallada dowladda Somaliya ee ku aadan nabadaynta beelaha Soomaaliyeed iyo baahinta nidaamka federaaliga ah ,iyadoo raysul-wasaaraha Somaliya uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda beesha caalamka qaarkood ee shirka ka qayb-galaya.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]