Qatar Charity oo Abaalmariyay Agoonta Kaalimo sare ka galay Waxbarashada


Jimco, June 27, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu abaal-marinayay agoon ay tiradoodu dhamayd 145 oo ay xannaaneyso hay’adda samafalka dalka Qadar ee Qatar Charity ayaa lagu qabtay hoteelka SHAMO ee Magaalada Muqdisho.

Ujeeddada munaasabaddan ayaa aheyd in ardayda gashay kaalimaha sare la abaalmariyo si loogu dhiirri-geliyo waxbarashada, kuwa aan kaalimaha sare gelinna ay ula tartami lahaayeen asaaggood si ay sannadka dambe kaalimo sare uga gaaraan waxbarashada.

Madaxa xafiiska Soomaaliya ee Qadar Charity, Maxamed Xuseen Cumar oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in munaasabaddan loo sameeyay ardayda Qadar Charity ee kaalimaha sare galay in lagu abaal-mariyo, isagoo xusay inay tahay arrin ay sannad walba sameeyaan si ardayda dhiirri-gelin ay ugu noqoto, wuxuuna sheegay in ardayda sannadkan kaalmiyaha hore ka galay waxbarashada ay laba jibaarmeen marka sannadihii hore loo fiiriyo.

Raa’ida Cali Maxamuud Abuubakar oo ka mid ahayd ardayda kaalimaha sare galay ee agoonta ah ayaa halkaas kasoo jeedisay hadal dadkii kasoo qeyb-galay ay aad u jecleysteen.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qadar oo isna xafladda goob-joog ka ahaa ayaa u mahad-celiyay hay’adda Qadar Charity; wuxuuna halkaas ka caddeeyay in amaanadii loosoo dhiibay ay sidii ugu wanaagsanayd u guteen, isagoo hay’adaha kale kula dardaarmay inay ku daydaan Qadar Charity.

Hay’adda Qadar Charity xafiiskeeda Soomaaliya ayaa wuxuu qabtaa hawlo baaxad weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed ay wax badan ka faa’ideysteen. Munaasabaduna waxay kusoo dhammaatay jawi wanaagsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya