Ciidamada Somaliland oo isaga baxay Degmada Taleex ee Gobolka Sool

Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Ciidamada Somaliland ayaa ka baxay degmada Taleex ee gobolka Sool oo 12-kii bishan ay la wareegeen gacan ku haynteeda xilli uu degmadaas ka socday shir ay lahaayeen mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo.

Ciidamadan ayaa ka bixitaankooda waxaa u xaqiijiyay HOL, Cabdikariin Askar Jaamac, iyadoo aysan jirin wax awood ah oo ka horyimid, illaa haddana ma jirto cid maamulka gobolka ah oo ka hadashay.

Bixitaanka ciidamada Somaliland ayaa kusoo aaday xilli ay xubno isugu jiray wasiirro iyo xildhibaanno isugu jira ay tageen deegaankaas laba maalmood ka hor oo uu hor-kacayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancade, isagoo sameeyay ballan-qaadyo dhismayaal iyo ciidammo kala duwan ah inay sameynayaan.

Dhawaan ayay ahayd markii beesha calaamku ka dalbatay Somaliland inay kala baxdo ciidamadeeda deegaannada lagu muransan yahay taasoo dhammaan golayaasha maamulka Somaliland cod buuxa ku shaaciyeen inaanay dheg u dhigayn warkaas.

Shacabka ayaa weli ku muransan tallaabadan ay ciidamadani qaadeen, waxaana wejiyo kala duwan ay ka eegayaan qaabka ay u soo baxeen Taleex iyo halka ay ku ekaan doonaan.

Degmada Taleex ayaanay jirin cid haatan ku sugan oo maamullada ku muransan ah ciidamadooduna ay deegaanno u dhow qaarkood joogaan sida Puntland iyo Khaatumo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool