Saraakiisha Jabuuti oo faahfaahin ka bixiyay Weerarkii saaka ee Buulo-burte


Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in shan askari looga dilay iska horimaad saakay ka dhacay gudaha degmada Buula-burte, kaddib markii dabley ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen xaro ay ku sugnaayeen ciidamada Jabuuti.

Col. Ibraahim Cali Faarax oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee degmada Buula-burte ayaa sheegay ragga weerarka soo qaaday markii hore u qaateen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda madaama ay soo xirteen dareyska militariga Soomaaliya, hasse ahaatee markii la ogaaday in aysan ka tirsaneyn ciidamada bilaabeen in ay rasaas furaan.

“Waxay isku dayeen in ay soo gallaan xero ay ciidamadeena ku sugnaayeen, markii ay ciidamada isku dayeen in ay joojiyaan waxaa ay fureen rasaas culus oo ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsanaa ciidamadeena ku sugnaa ilinka hore ee xerrada, iyagana goobta ayaa lagu toogtay dhamaantood,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada Jabuuti Col Ibraahim Cali Faarax.

Mar wax laga weydiiyay hubka ay siteen ayuu sheegay in ay ku hubeysnaayeen qoryaha AK47-ka, isagoo xusay in ragga weerarka qaaday ay is-qarxiyeen. “Waxaa ay ku hubeysnaayeen qoryaha AK7-ka, ciidamada ayaa toogasho ku dillay, khasaare kale oo ay geysteen ma jiro, marka laga reebo labada askari ee sida kadiska ah ay u  dilleen.’’

Dhinaca kale, waxaa uu faah faahin ka bixiyay dil gudaha degmada loogu geystay nin dhalinyarro ah, isaga oo sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada markii uu weerarka dhacay kadib uu ninkaa dhalinyarrada ah ku dhintay.

“Waan ka xunnahay dhimashada ninkaa dhalinyarrada ah, waad og-tahay marka weeraradan oo kale dhacaan ciidamada howlgal ayeey sameeyaan siddaa ayuu ku dhintay, waana tacsiyeeyneyaa arrintaa iyada ah,’’ ayuu yiri.

Xaalad degmada Buula-burte ayaa xiligan degan, inkastoo wali degmada ay ka jirto foojignaan dhinaca nabad-gallyada la xiriirta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya