Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab ayaa u sheegay wakaaladaha wararka caalamka inay iyagu mas’uul ka ahaayeen weerar saakay aroortii hore lagu qaaday degmada Buulo-burte, gaar ahaan hoteel ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika eek a socda Jabuuti.
Sheekh Cabdicasiis Abuu-Muscab aya asheegay in weerarkaas oo ahaa mid iyagu ay ka dambeeyeen oo qorsheysan ay ku dileen lix ka mid ah ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
“Xoogageenna oo aad u hubeysan, waxay weerareen Hoteelka Camalow oo ku yaalla degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, weerarkaan oo ah kii labaad oo ay hoteelkaas ku qaadeen waxaa lagu dilay lix askari oo ciidamada Jabuuti ah,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.
Al-shabaab ayaa weerar ay hoteelkan ku qaadeen bishii May ee sanadkan waxay ku dileen tiro ka mid ah ciidanka AMISOM ee Jabuuti ka socda, iyadoo uu fuliyay weerarkii isiimaadinta ahaa ee xilligaas nin 60-jir ah oo haystay dhashada dalka Norway.
Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan 22,000 oo ciidamada AMISOM ah, kuwaasoo ka kala socda lix dal oo Afrikaan ah, waxayna dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
Dhanka kale, saraakiil u hadlay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Buulo-burte ayaa sheegay inay soo qaadeen weerarkii saakay laba ruux oo Al-shabaab ka tirsan ayna toogasho ku dileen.
Inkastoo saraakiishan ay sheegeen inay dhankooda jirto khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray haddana si cad uma aysan sheegin ciidamada dhintay iyo sida ay kala ahaayeen.
Magaalada Buulo-burte oo ka mid ah magaalooyinka gobolka Hiiraan ayaa waxay ka mid ahay degmooyin ay ciidanka AMISOM oo gacan ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Al-shabaab bilihii lasoo dhaafay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya