KENYA: Saldhigyo Booliis oo dib loo Furay iyo Shacabka oo aad ugu Farxay


Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Shacabka ku nool gobolka waqooyi bari Kenya ayaa soo dhaweeyay dib-u-furidda 30 bar-kontorool oo booliisku ay lahaayeen oo sannadkii hore loo xiray inaysan haysan qalab ku filan iyo shaqaale iska caabbiya weerarrada al-shabaab, sida ay qortay shabakadda Sabahi Online.

Degmada Mandheera ayay saameynta ugu xun kasoo gaartay 20 bar-kontorool oo xirnaa intii u dhexeysa Oktoobar illaa December sanadkii hore, sida uu yiri wakiilka xukuumadda dhexe ee Mandheera, Michael Tialal.

"Shan iyo toban ka mid ah koontaroollada la xiray ayaa u dhow xuduudda Kenya iyo Soomaaliya," ayuu yidhi Tialal oo intaas ku daray. "Dowladdu waxay heshay warbixinno sirdoon oo sheegay in Al-shabaab ay qarka u saarnaayeen inay soo weerarto saldhigyada; intii ay xirnaayeenna waxaa la weeraray 11 ka mid ah barahaas."

Tialal ayaa sheegay in saldhigyada ay ahaayeen kuwo u sahlan in la weeeraro, sababtoo ah ma aysan haysan shaqaale ku filan, iyadoo ay labo ama shan askari joogeen bar-kontorool walba. "Marka ay tiradu sidaa u yar tahay, si sahlan ayaa loo qabsan karay koox dambiilayaal ah ama maleeshiyo aan habeysneyn," ayuu yiri walkiika. "Waa sababtaas midda aan u xirnay."

Booliiska ayaa billaabay inay dib u furaan saldhigyada yar-yar 25-kii May kaddib markii ay qiyaastii 7,000 oo askar amni ah ka qalin-jabiyeen, kuwaa soo loogu talo-galay inay amniga adkeeyaan. Askartan cusubna waxaa ku jira 1,779 ka mid ah qaybta adeegga guud, 2,209 oo askar caadi ah iyo 3,000 oo ah booliiska sida dhaqsada ah u howlgala ee birmadka loo yaqaan.

“Hadda, 15 ka mid ah sadhigyada yar-yar ee booliiska Mandheera ayaa dib loo furay kaddib markii la geeyay askarta cusub,” ayuu yiri taliyaha booliiska ee degmada Mandheera, Noah Mwivanda. Wuxuu xusay inuu gobolku qorsheynayo inuu dib u furo saldhigyada haray toddobaadyada soo socda kuwaasoo la geyn doono askar cusub si ay u joojiyaan dagaallada beelaha ay dib uga soo noqdaan shaqooyinkaas.

"Sida lagu rajo weynyahay, inta aysan dhammaan bishan Juune waxaa dib loo furayaa dhammaan saldhigyada la xiray," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo intaa raaciyay in markii loo eego shurrucda cusub ay waajib tahay in saldhig walba oo yar loo qoro ugu yaraan 15 askari.

Dhanka kale, magaalada Gaarisa afar saldhig oo yar-yar oo kuwa booliiska ah oo la xiray sannadkii hore oo kala ah; Mansabubu, Yumbis, Diiso iyo Damajale ayaa dib loo furay 15-kii bishan Juun, ayuu sheegay wakiilka xukuumadda dhexe ee Gaarisa, Rashid Khator oo la hadlay Sabahi Online.

Sidoo kale, dhammaan 11-kii saldhig ee laga xidhay Gobolka Mombasa ayaa dib loo furay, ayuu yidhi Taliyaha Bilayska Gobolka Mombasa Robert Kitur."Waxaa baraha-kontorool mid walba noo jooga askar ku filan inay wajahaan xaalad walba ee ammaanka la xiriirta," ayuu hadalkiisa ku daray.

Dadweynaha gobolkaas ku nool ayaa soo dhaweeyay dib-u-furidda saldhigyada booliiska ee ku yaalla deegaannadooda, iyagoo sheegay inay dareemeen firaaqo dhanka booliiska ah dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

"Markii la xiray saldhigyadan bishii December ee sannadkii hore, dareenay cabsi oo xooggan ayaa na galay, waxaana u qaaddannay inay xukuumaddu iska keen tuurtay oo aysan na kala jecleyn," ayuu yidhi Mahad Isaaq Maxamed oo 33-jir ah dukaanna ku leh qaybta Libaaxiye ee degmada Mandheera.

Tallaabooyinkan dib loogu furay baraha ay booliisku ammaanka ka sugayaa ayaa qayb ka ah qorshayaal ay dowladda Kenya ku doonayso inay amniga dalkeeda ku adkeyso, kaddib weerarro is-daba-joog ah oo ay kala kulantay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya