Hormuud Foundation oo Lacag u Qaybisay Boqollaal Ruux oo Curyaamiin ah

Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Hay’adda Hormuud Foundation ayaa deeq lacageed u qaybisay maanta 500 oo qof oo ka mid ah dadka aan lixaadkooda dhameyn oo laga soo kala arruuriyay degmooyinka gobolka Benaadir, waxayna lacagta dadkaas loo qaybiyay ay gaaraysaa 50,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Munaasabad dadkaas deeqda lacagta ah loogu qaybinayay oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir, Iimaan Nuur Iikar, maamulka Hormuud Foundation, guddoomiyaha dallada naafada Soomaaliyeed iyo xubno kale.

Kaalmada Hormuud Foundation ay ugu talo-gashay dadka naafada ah ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha hay’addaas, Cabdullaahi Nuur Cismaan oo sheegay inay tahay mid ay ugu talo-galeen dadka aan lixaadkoodu dhameyn si ay uga gudbaan bisha barakaysan ee Ramadaan oo fooda nagu soo haysa.

“Deeqdan waxay qayb ka tahay deeqaha Hormuud Foundation ay ugu talo-gashay bisha Ramadaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa liita, waxaana maanta halkan deeq lacageed ugu qaybinnay dad naafo ah oo gaareya 500, waxaana mid kasta oo ka mid ah aan siinnay $100 (boqol dollar),” ayuu yiri C/llaahi Nuur.

Sidoo kale, wuxuu xusay inay jiri doonaan taakuleynno kuwan la mid ah oo ay siin doonaan bulshada qaybaheeda kala duwan, isagoo xusay in sannadkii hore ay sidoo kale kaalmooyin siiyeen qoysas dan-yar ah.

Guddoomiyaha dallada naafada Soomaaliyeed, Cabbaas Ismaaciil Caddow oo isna hadal ka jeediyay munasabadda ayaa sheegay in dadkan laga soo xulay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, isla markaana ay jiraan kuwa kale oo mudnaa in lagu soo daro, isagoo maamulka gobolka ka codsaday in la sameeyo diiwaan-gelin ku aaddan naafada ku dhaqan gobolka Benaadir.

Qaar ka mid ah dadkii aan lixaadkoodu dhameyn ee ka faaiideystay deeqdan ayaa ka mahad-celiyay taakuleynta lacagta ah ee la guddoonsiiyay, hay’adaha kale eek a howlgala dalkana ka dalbaday in loo abuuro xirfado shaqo oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka arrimaha bulshada, Iimaan Nuur Iikar oo isna hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo jeedinayaan in bulshada dhexdooda ay isku kaalmeeyaan, isagoo intaas ku daray inay gacan ka geysan doonaan sidii loo diiwaan-gelin lahaa naafada ku dhaqan gobolka Banaadir.

Hormuud Telecom Foundation oo la aasaasay 25-kii bishii shanaad ee sannadkii la soo dhaafay 2013 ayaa ah hay’ad u taagan inay kaalmeyso bulsha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda dan-yarta ah, iyadoo horey kaalmooyin noocan oo kale ah u gaarsiisay dad dhibaatooyin kala duwan qaba oo ku kala sugan Muqdisho iyo qaar ka mdi ah gobollada dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya