Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray maanta magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyey xubno uu ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti, ku xigeenkiisa iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jabuuti.
“Halkan waxaan ku nimid booqasho rasmi ah, waxaan farxad ah in booqashadani ay kusoo beegantay xili ay walaalaha Jabuuti u dabaal-dagayaan maalmo yar kaddib sannad-guuradii, kasoo wareegtay markii uu dalkoodu xoroobay,” ayuu yiri Jawaari.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hadalkiisa ku daray in booqashadani ay qayb weyn ka tahay adkeynta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Jabuuti, Idiris Arnaa’uud Cali oo isaguna la hadlay warbaahinta aya ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay socdaalka wafdigan ay Jabuuti ku yimaadeen, isla markaana safarkan uu ka dambeeyay socdaal ay wafdi aan hoggaaminayay ku tagnay Muqdisho 2012-kii.
“Waxaan sii amba-qaadi doonnaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga baarlamaannada labada loona xoojin lahaa iskaashigaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Idiris oo xusay in dalkoodu uu mar walba garab istaagayo walaalaha Soomaaliyeed.
Booqashada wafdigan ka socda baarlamaanka Somalia ay ku tageen dalka Jabuuti ayaa qaadan doonta afar maalmood, waxayna kulammo la yeelan doonaan golaha baarlamaanka, guddoonka iyo madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele.
Dhanka kale, wafdigan ayaa ka qaybgeli doonaan inta ay Jabuuti munaasabad loo sameynayo sannad-guuradii 37-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaas si rasmi ah xorriyadiisa uga qaatay gumeystihii Faransiiska.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya